Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Kylian Mbappe Oo Noqday Halyeey Dile, Waxaa Kaliya U Haray Lionel Messi & Pele – Akhriso Xogtiisa Ka Yaabineysa

by Saed Mohamed
December 4, 2022
0
Kylian Mbappe Oo Noqday Halyeey Dile, Waxaa Kaliya U Haray Lionel Messi & Pele – Akhriso Xogtiisa Ka Yaabineysa

Weeraryahanka Faransiiska iyo kooxda Paris Saint-Germain ayaa wacdarro ka dhigaya Koobka Adduunka ee 2022 isagoo durbaba loo arko mid ka mid ah xiddigaha kubada cagta ee ugu fiican dunida.

ADVERTISEMENT

Mbappe ayaa maanta xulkiisa France u soo saaray wareega sideed dhamaadka isagoo dhaliyay labo gool oo cajiib ah islamarkaana caawiye ka ahaa gool kale.

Xiddiga Faransiiska waxa uu durbaba gooldhalinta Koobka Adduunka ee 2022 ku hogaaminayaa shan gool isagoo durbaba dhaafay wadarta goolashii uu dhaliyay Koobkiisii Adduun ee ugu horeeyay ee 2018 oo uu France ku hogaamiyay koobka markaasoo uu 4 gool dhaliyay.

Mbappe wuxuu jabiyay rikoodhkii muddo dheer u yaalay boqorka kubada cagta Pele kaasoo ahaa inuu dhaliyay wax ka badan sideed gool oo Koob Adduun ah ka hor inta uusan gaarin da’da 24 sanno jir.

ADVERTISEMENT

Wadar ahaan labadii Koob Adduun ee uu ka qeyb qaatay Mbappe wuxuu dhaliyay SAGAAL gool, wuxuuna dhashay 1998dii.

Sidoo Kale Akhri

Klopp

WAR CUSUB: Liverpool Oo Heshay Tababaraha U Bedelaya Jurgen Klopp Mana Aha Steven Gerrard

January 30, 2023
DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023

Labadii gool ee uu maanta dhaliyay waxay keentay inuu Mbappe ka sarre maro halyeeyadii ugu waa weyn aa kubada cagta.

FjJjr 1WAAc5WlI?format=jpg&name=large

Sagaalkiisa gool ee Koob Adduun waxay ka sareeyaan goolashii ay Koobka Adduunka ka dhaliyeen Diego Maradona, Cristiano Ronaldo, Suárez, Neymar, Thierry Henry, Rivaldo iyo Kempes.

Maradona wuxuu Koob Adduun ka dhaliyay 8 gool 21 kulan uu saftay halka Cristiano Ronaldo uu dhaliyay 8 gool 20 kulan uu saftay.

ADVERTISEMENT

Waxay kaliya haatan isku goolal yihiin Lionel Messi oo isna dhaliyay sagaal gool oo Koob Adduun ah laakiin Messi wuxuu dheelay seddex Koob Adduun kale oo uusan Mbappe ciyaarin.

Mbappe ayaa sidoo kale isha ku haya rikoodhka Pele oo 12 gool ka dhaliyay Koobka Adduunka 14 kulan uu saftay.

 

Share361Tweet226
ADVERTISEMENT

Related Posts

Klopp

WAR CUSUB: Liverpool Oo Heshay Tababaraha U Bedelaya Jurgen Klopp Mana Aha Steven Gerrard

by Apdihakem Omer Adam
January 30, 2023
0

Liverpool ayay warar cusubi sheegayaan inay dooratay bedelka tababaraha kooxdeeda ee Jurgen Klopp ay mustaqbalka ku bedeli karto haddiiba ay...

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.