Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Kylian Mbappe Oo Markii Ugu Horreysay Ka Baxay Aamusnaanta Kaddib Guul-darradii Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
December 19, 2022
0
Kylian Mbappe Oo Markii Ugu Horreysay Ka Baxay Aamusnaanta Kaddib Guul-darradii Koobka Adduunka

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa markii ugu horreysay hadlay kaddib guul-darradii Koobka Adduunka ee Argentina ay rikoodheyaasha kaga qaadday Koobka, waxaana uu laacibkani ballan-qaad u sameeyey taageereyaasha xulka Faransiiska.

ADVERTISEMENT

Mbappe oo saddex gool dhaliyey ciyaartii finalka ayaa xulkiisa lagaga badiyey rikoodheyaal iyadoo goolhaye Emiliano Martinez uu laba rikoodhe ka badbaadiyey shabaqa Argetnian.

23 jirkan ayaa ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah isaga oo dhaliyey siddeed gool, waxaana uu ballan-qaaday inay soo laaban doonaan iyaga oo ka xooggan intii hore Koobka Adduunka ee 2026 ee afar sannadood kaddib qabsoomaya.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Instagram maanta ayaa uu Kylian Mbappe ku yidhi: “Waanu soo laaban doonaa.” Waxa kale oo uu raicyey calanka Faransiiska iyo sawir emoji ah oo uu ducaynayo.

ADVERTISEMENT

Si kastaba, Kylian Mbappe ayaa kabta dahabka ah ku garaacay Lionel Messi oo isaguna toddoba  gool saxeexay, waxaana uu laacibkani fursad weyn u haystaa inuu jabiyo rikoodhka gool-dhalinta Koobka Adduunka sababtoo ah da’diisa oo 23 jir ah ayaa uu haystaa 12 gool oo Koobka Adduunka ah, taas oo ka dhigan inuu afar gool oo kaliya ka dambeeyo Miroslav Klose oo 16 gool ku haysta rikoodhka ciyaartoyga ugu goolasha badan tartanka.

Sidoo Kale Akhri

XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

February 7, 2023
“Waxa Jiray Laba Fadeexadood Oo….” – Mikel Arteta Oo Cadhadiisa Banaanka Keenay Kaddib Barbardhacii Newcastle United

Arsenal Oo Markale Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Brighton & Xiddiga Aan Caicedo Ahayn Ee Ay Ka Rabaan

February 7, 2023

 

View this post on Instagram

A post shared by Kylian Mbappé (@k.mbappe)

ADVERTISEMENT
Share732Tweet458
ADVERTISEMENT

Related Posts

XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa shaaca laga qaaday aragtida ay ka qabaan in kooxda Manchester City lagu soo oogay boqol...

“Waxa Jiray Laba Fadeexadood Oo….” – Mikel Arteta Oo Cadhadiisa Banaanka Keenay Kaddib Barbardhacii Newcastle United

Arsenal Oo Markale Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Brighton & Xiddiga Aan Caicedo Ahayn Ee Ay Ka Rabaan

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Arsenal ayay macquul tahay inay markale xiddig muhiim ah ka dalbato Brighton iyadoo markan diiradeedu haysyo garabka weerar ee Kaoru...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.