Kylian Mbappe ayaa soo bandhigay dhaqan wanaag isagoo ka caawiyay saaxiibkiisa Achraf Hakimi inuu cagahiisa ku istaago islamarkaana sabarsiiiyay ka dib markii Faransiiska ay wareega afar dhamaadka ku reebeen Morocco.
France ayaa gaartay finalkoodii labaad oo isku xigta ee Koobka Adduunka ka dib gool ay u kala dhaluyeen Theo Hernandez iyo Kolo Muani.
Xulka difaacanaya Koobka Adduunka ayaa haatan finalka ku wajahaya Argentina kulanka ka dhacaya garoonka Lusail Stadium maalinta Axada.
Daafaca Morocco Hakimi ayaa qalbijab uu soo wajahay ka dib guuldaradii xulkiisa soo gaartay laakiin waxaa caawiyay saaxiibkiisa reer France Mbappe oo sabarsiiyay islamarkaana laabta geliyay ka hor inta aysan maaliyadaha kala bedelenin.
Hakimi iyo Mbappe ayaa ah saaxiibo aad isagu dhow iyagoo sidoo kalena u wada ciyaara kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain.
Labada xiddig ee reer PSG ayaa lagu qasbay inay saaxiibtinimadooda meel dhigtaan iyadoo Hakimi uu taaso u raacanayay Mbappe.. “Wuxuu u garanayaa Mbappe si ka fiican sida aan u garanayo aniga, maalin walba ayuu tababar la sameeyaa.” ayuu yiri tababaraha Morocco Walid Regragui ka hor semi-finalka.
Mbappe ayaan ilaawin saaxiibtinimadiisa Hakimi isagoo durbadii ay ciyaarta dhamaatay u tagay Hakimi oo qalbijab darteed dhulka fariistay, wuxuuna durbadii ka caawiyay inuu cagahihiisa ku soo istaago isagoo laabta geliyay madaxana u salaaxay.
Markii ay kala bedesheen maaliyada Mbappe wuxuu durbadiiba xirtay maaliyada Hakimi isagoo markaas u dhaqaaqay dabaaldega xulkiisa iyo inay finalka u soo baxeen. Hakimi ayaa isna sidoo kale xirtay maaliyada Mbappe ka hor inta uusan qolka labiska aadin.
Labada nin ayaa aad isagu dhow, waxaana la sheegay inay waqti badan isla qaataan marka ay joogaan Faransiiska. Mbappe ayaa xitaa Hakimi booqday maalin fasax laga siiyay tababarka xulka France ka dib markii ay Faransiiska guul la gaareen Poland wareegii 16ka.
Hakimi iyo Mbappe ayaa xitaa isku rajeeyay nasiib wacan ka hor ciyaartii finalka. “Dhawaan ayaan is arkeynaa saaxiib” ayuu Hakimi u qoray ka hor inta uusan Mbappe ku soo jawaabin seddex wadno oo jaceyl ah.
Labada nin ayaa kubad adag isaga horyimid ciyaartii semi-finalka laakiin Mbappe ayaa ka dheeli doona finalka.