Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Kylian Mbappe Oo Kaalinta 8aad Kaga Jira Liiska Ciyaartoyda Ugu Orodka Dheeraa Intii Uu Socday Koobka Adduunka – Waa Kuwee Ciyaartoyda Ka Xawaaraha Badani?

by Abdiwahab Ahmed
December 13, 2022
0
Kylian Mbappe Oo Kaalinta 8aad Kaga Jira Liiska Ciyaartoyda Ugu Orodka Dheeraa Intii Uu Socday Koobka Adduunka – Waa Kuwee Ciyaartoyda Ka Xawaaraha Badani?

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee Kylian Mbappe waxay u badan tahay inuu ku guuleysto ciyaartoyga ugu wanaagsan Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar, waase haddii uu dalkiisu ku guuleysto oo ay labada ciyaarood ee koobka ka xiga badiyaan.

ADVERTISEMENT

Les Bleus waxay u baahan tahay laba guulood oo ka bilaabmaya kulanka Arbacada ee Morocco, iyo kaddib Axadda oo midkood ay garaacaan Argentina iyo Croatia oo caawa soo kala baxaya, waxaanay taasi ka dhigi doonaa waddankii labaad ee abid laba jeer oo isku xigta ku guuleysta Koobka Adduunka tan iyo sannadkii 1962kii, xilligaas oo Brazil ay laba jeer oo isku xigta qaadday. Brazil ayaa ah dalka kaliya ee difaacday Koobka Adduunka illaa hadda.

Mbappe oo 23 jir ah ayaa kusii siqaya inuu sameeyo taariikh, isla markaana uu raaco raadka Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ee galay liiska xiddigihii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta.

Waxa uu Mbappe dhaliyey shan gool oo Koobka Adduunka  ee ka socda Qatar, waxaana uu durba raacay dariiqii Pele iyo Diego Maradona ee iyaga oo da’doodu yar tahay dunida qabsaday.

Weeraryahanka reer France oo xawaaraha orodkiisu uu cajiib yahay, gaar ahaan maarka ay kubaddu lugtiisa ku jirto ayaa waxa u diiwaangashan in horyaalka  Ligue 1 uu orday 22.4 mph horraantii xilli ciyaareedkan, waana ciyaartoyga ugu xawaaraha dheereeya ee ka  ciyaara Faransiiska.

Laakiin intii uu socday Koobka Adduunka ee Qatar, waxa ciyaartoyga ugu xawaaraha dheereeya uu noqday Rennes Kamaldeen Sulemana oo u ciyaarayay xulka qaranka Ghana, waxaana uu jaray xawaare gaadhaya 22.1 mhp, sida uu ku warramay wargeyska The Athletic, halka Kylian Mbappe uu kaalinta siddeedaad kaga jiro tobanka ciyaartoy ee ugu orodka dheereeyey intii uu socday Koobka Adduunku.

Afarta ciyaartoy ee Nico Williams oo Spain u ciyaara, Daniel James oo Wales ah, Antonee Robinhon oo Maraykanka u dheelayay iyo Achraf Hakimi ayaa dhamaantood xawaaraha orodka ee ay jareen kulamadoodii koobka Adduunku uu ugu yaraan ahaa 21.7 mph, waanay ka dheeraynayeen Mbappe oo xawaaraha orodkiisu ahaa 21.87 mph kulamadii uu ciyaaray.

Waa kuwan 10ka ciyaartoy ee ugu orodka dheeraa Koobka Adduunka ee Qatar

  1. Kamaldeen Sulemana, Ghana, 22.18 mph
  2. Nico Williams, Spain, 22.12 mph
  3. David Raum, Germany, 22.00 mph
  4. Antoine Robinson, United States, 21.99 mph
  5. Daniel James, Wales, 21.99 mph
  6. Achraf Hakimi, Morocco, 21.93 mph
  7. Ismaila Sarr, Senegal, 21.93 mph
  8. Kylian Mbappé, France, 21.87 mph
  9. Nemanja Radonjic, Serbia, 21.87 mph
  10. Tajon Buchanan, Canada, 21.87 mph
ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Share454Tweet284
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.