Kylian Mbappe ayaa sheegay in hab dhaqankiisa Emi Martinez ee uu isagu ku maadeystay inuusan waxba u arkin.
Goolhayaha Argentina ayaa ku baaqay in daqiiqad loo aamuso xiddiga Faransiiska markii ay dabaaldegayeen hanashadooda Koobka Adduunka.
Wuxuu xitaa soo qaatay boombalo uu ku dhejiyay wajiga Mbappe markii ay Argentina Koobka Adduunka ku soo bandhigeysay magaalada Beunos Aires.
Markii la weydiiyay sida uu u dhaqmay goolhayaha Aston Villa, Mbappe oo 24 sanno jir ah ayaa yiri:
“Dabaaldega dhibaato uma arko.
“Waqtigeyga kuma dhumiyo waxyaabo aan wax tar laheyn.
“Waxa ii muhiimsan aniga waa inaan dadaalkeyga ugu fiican u soo bandhigo kooxdeyda.”
Martinez ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay tilmaam dhaqan xumo ah uu ku sameeyay abaalmarintii goolhayaha Koobka Adduunka ee la siiyay.
Xiddigii hore ee Faransiiska Adil Rami ayaa ku tilmaamay xiddiga loogu neceb yahay kubada cagta halka siyaasiga Faransiiska Karl Olive uu ku baaqay in FIFA ay ka celiso abaalmarinta goolhayaha.
30 jirkaan ayaa maanta ku soo laabtay tababarka kooxdiisa Aston Villa iyadoo tababare Unai Emery uu sheegay inuu kala hadli doono habdhaqankiisa.
Laakiin Mbappe oo dhaliyay seddexleey ciyaartii finalka ayaa sheegay in dhaqan xumada Martinez aysan xumeynin xiriirkii kala dhaxeeyay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Lionel Messi.
Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Waan la hadlay Messi ka dib ciyaarta, waana u hambalyeeyay isaga.
“Waxay u aheyd isaga hamigiisa nolasha, aniga xitaa way ii aheyd laakiin waan guuldareystay, sidaasi darteed waa qasab inaad noqoto qof yaqaana ciyaar wanaaga.”