Weeraryahanka xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ganaax soconaya inta ka hadhay Koobka Adduunka oo ay kusoo rogtay FIFA, kaddib markii lagu eedeeyey inuu meel kaga dhacay sharciga xidhiidhka kubadda cagta dhamaadka ciyaartii xulka qarankiisa France uu 3-1 ku garaacay Poland.
Mbappe ayaa laba gool u dhaliyey xulka qarankiisa oo uu u diray wareegga siddeedda oo ay isku dhaceen England, halka Poland uu waqti dambe gool madi ah oo rikoodhe ahaa u dhaliyey Robert Lewandowski.
23 jirkan ayaa sii wata bandhiggiisa heerka sare ah, waxaana saddex ciyaarood oo uu kusoo bilowday uu dhaliyey shan gool oo Koobka Adduunka ah.
Si kastaba, FIFA ayaa ganaax kusoo rogtay Mbappe kaddib markii uu iska indho tiray ee uu diiday inuu la hadlo warbaahinta xataa iyada oo loo magacaabay xiddiga garoonka kulmadii Poland, Denmark iyo Australia, lana siiyey abaal-marinta, waxaanay taasi keentay in FIFA ay ganaax lacageed oo ciyaar walba ah kusoo rogto Mbappe. Sidoo kale, waxa la ganaaxi doonaa xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska.
Kaddib markii ay FIFA xaqiijisay in la ganaaxayo Mbappe, waxa uu laacibkani saxaafadda la hadlay xalay, waxaana uu sheegay inuu afkiisa haysanayo oo wixii hadal ah uu ku dhamaysanayo gudaha garoonka oo ay kubaddiisu hadli doono, taas beddelkeedana uu diyar u yahay inuu bixiyo wixii lacag ah ee lagu ganaaxo.
“Anigu kama soo horjeedo wariyeyaasha, haddii aanan u imanin inaan hadlo, sababtoo waa in aan u baahanahay in aan dareenkayga oo dhan iskugu geeyo tartanka oo aan wax kale tamartayda ku lumin.” Ayuu yidhi Kylian Mbappe oo dhinaca klaena xaqiijiyey inuu bixinayo ganaaxa culus ee lacagta ah ee ay FIFA kusoo rogaysao.
Mbappe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyey: “Aniga hammigaygu waa Koobkan Adduunka, waa tartanka aan ku riyoodo. Waa in aan xilli ciyaareedkayga oo dhan ku dhiso tartankan, waxa aan iskugu diyaariyey sida ugu sarraysa jidh ahaan iyo maskax ahaanba si aan ugu guuleysto, waana hammigayga ugu weyn, inkasta oo wali dariiqa loo marayaa dheer yahay. Hadafkaygu kaliya waa in aan ku guuleysto Koobka Adduunka, wixii kale daruuri ma aha.”