Tababare Zinadine Zidane ayaa lafilayaa inuu kusoo laabto shaqada tababarenimo sanadkan 2023 balse hubaal ma qaban doono mida xulka France ee uu mudada dheer sugayay.
Zidane ayaa marka hore la filayay inuu sanadkan bedeli doono macalinka xulka France ee Didier Deschamps oo guuldarro kala kulmay Finalkii Koobka aduunka Argentina.
Si kastaba, iyadoo ay jireen warar xan ah oo wax kala duwan ka qorayay shaqada Deschamps ayuu xulka Les Bleus dhawaan ku dhawaaqay inuu saxeexay heshiis cusub oo ilaa 2026 ah.
Taas ayaa ka dhigan in Didier uu xulka hoggaamin doono ilaa Euro 2024 iyo Koobka aduunka ee 2026, warkaas ayaa quus-goyn ku noqday macalin Zidane.
Intaas kuma ekaan ee madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta France ee FFF ninka lagu magacaabo Noel La Graet ayaa si aan xushmad badani ku jirin uga hadlay Zidane isagoo sheegay inaysan waxba ka gelin wararka sheegaya inuu xulal kale sababtooda u diiday.
“Zidane miyaa Brazil tagaya? aniga waxba igama galin, isagu wuxuu doono ayuu sameeyaa, maaha aniga wax i quseeya. Anigu waligay lama kulmin marnabana kamaanu fikirin inaanu fasaxno Didier (Deschamps)”.
Intaas kaddib Kylian Mbappe oo taageere weyn u ah Zidane ayaa ka adkayn waayay hadalka Le Graet waxaana uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay qoraal uu ku codsanayo inaan la bahdilin halyeeyada xulka.
“Zidane waa France, sidaas ixtiraam-darro uguma samayno halyeeyga” ayuu yidhi Kylian.