Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ayaa dhulka la dhacay garsoorihii hayay kulankii ay xalay rigoorayaasha dirqiga ah kaga soo gudbeen Netherlands oo ay wareega siddeed dhammaadka koobka aduunka ku kulmeen.
Argentina ayaa ciyaarta mar 2-0 ku haysay balse Oranje ayuu weeraryahan Wout Weghorts kasoo guday labada goolba xilli dambe iyadoo ciyaartu 30 daqiiqo oo dheeri ah u baahatay.
Markale garsooraha ree Spain ee Mateu Lahoz oo ah mid markasta murano dhaliya ayaa noqday midka ugu hadal haynta badan ciyaarta.
Ciyaartaasi intii ay socotay ayuu bixiyay 15 kaadh jaale oo ah rekoodhka kaadhadhka ugu badan ee kulan koob aduun la bixiyo abid taariikhda.
Kulanka kaddib, Messi oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in haddii uu aragtidiisa ka sheego garsoorahaas ay FIFA ganaaxi doonto balse uusan ahayn mid heer koob aduun ah.
“Ma doonayo inaan ka hadlo garsoorayaasha sababtoo ah kaddib way ku ganaaxayaan balse waanu cabsanaynay kulanka kahor sababtoo ah waanu ogayn waxa soo socda” ayuu yidhi Leo.
“Ma odhan karo waxaan aaminsanahay balse FIFA waa inay eegto arrintan, FIFA garsoore sidaas oo kale ah kulankan uma dhiibi karto marka uusan heerkii la doonayay joogin”.
Messi iyo Mateu Lahoz ayaa taariikh badan isku leh iyagoo horyaalka Spain ee uu 35 sano jirkaasi Barcelona ku metelayay mudo dheer soo wada joogay.
Messi fans