Weeraryahanka xulka France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay wixii dhex maray isaga iyo kabtanka Argentina ee Lionel Messi oo ay sidoo kale koox wadaag yihiin.
Kulankii Finalka Koobka aduunka ayaa ahaa mid xiisihiisa watay oo aan noociisa hore loo arag, kaddib 120 daqiiqo oo 3-3 la isku mari waayay ayay ugu dambayn Argentina rigoorayaal ku guuleysteen.
Mbappe ayaa kulankaas ka sameeyay wacdarro isagoo saddex gool kasoo dhaliyay halka uu Messi oo dhinaca kale kasoo safnaa qudhiisu laba jeer shabaqa taabtay.
Si kastaba, Kylian ayaa sheegay inuu kulankaas kaddib u hambalyeeyay Leo isla markaana ay haatan sugayaan inuu PSG kusoo laabto si ay guulo ugu wada gaadhaan kooxda.
“Waan u hambalyeeyay Messi dhammaadkii kulanka, isaga waxay u ahayd wax uu mudo dheer raadinayay, anigana sidoo kale balse waan guuldarrastay, waanu sugi doonaa soo laabashada Leo si aanu u wada gaadhno guulo iyo ujeedooyin cusub” ayuu yidhi 24 sano jirkaasi.
PSG ayaa xalay guul ka gaadhay kooxda Strasbourg oo ay 2-1 uga adkaatay, kulankaas oo uu Messi maqnaa ayuu Neymar kaadh casaan qaatay xilli Mbappe daqiiqadii ugu dambaysay guul ku hoggaamiyay kooxdiisa.