Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Kulamadii Premier League Ee Galabta Oo La Is Xasuuqay & Newcastle Oo Kaalinta Labaad Kala Baxday Man City

by Saed Mohamed
December 26, 2022
0
Kulamadii Premier League Ee Galabta Oo La Is Xasuuqay & Newcastle Oo Kaalinta Labaad Kala Baxday Man City

Kooxda Newcastle ayaa sii wada wacdarihii ay dhigeysay ka hor Koobkii Adduunka ka dib markii ay 3-0 ku xasuuqeen kooxda Leicester City oo marti loogu ahaa King Power Stadium iyadoo Newcastle ay kaalinta labaad kala baxday Manchester City.

ADVERTISEMENT

Seddex daqiiqo kaliya ayay ku qaadatay inay Newcastle hogaanka qabato ka dib markii Wood uu rigoore u saxiixay, afar daqiiqo ka dib waxaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Newcastle Almiron kaasoo dhaliyay gool qurux badan isagoo dhaliyay kubad uu u dhiibtay Guimaraes.

Newcastle ayaana goolka seddexaad dhalisay isla qeybtii hore ee ciyaarta markii uu Joelinton madax ku dhaliyay kubad koorno aheyd uu soo qaaday Kieran Trippier.

Guushaan ayaa ka dhigeysa in Newcastle ay kaalinta labaad kala baxday Manchester City oo habeen Arbacada ciyaareysa waxayna afar dhibcood kaliya ka hooseeyaan Arsenal oo caawa dheeleysa.

ADVERTISEMENT

Dhanka kale Fulham ayaa 3-0 ku xasquuqday Crystal Palace oo marti loo ahaa islamarkaana sagaal ciyaaryahan ku ciyaareysay ka dib markii labo casaan laga qaatay labadii qeyb ee ciyaarta.

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Murugaysan Ayaa Markii Ugu Horreysay Yimid Tababarka Xilli Uu Ka Fikirayo

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Murugaysan Ayaa Markii Ugu Horreysay Yimid Tababarka Xilli Uu Ka Fikirayo

February 7, 2023
Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

February 7, 2023

Fulham waxaa daqiiqadii 31aad hogaanka u dhiibay Reid ka hor inta uusan Mitchell casaan toos ah ka qaadanin Crystal Palace.

Bilowgii qeybta labaad Tomkins jaale labaad iyo casaan ka qaatay Crystal Palace taasoo wadada u furtay Fulham iyadoo goolka labaad uu u saxiixay Ream halka Mitrovic uu goolka seddexaad shabaqa ku hubsaday.

Fulham waxay kaalinta 8aad kala baxday Chelsea oo sagaalaad u dhacday balse berri ciyaareysa.

Dhanka kale Brightona ayaa 3-1 ku dubatay kooxda Southampton oo marti loo ahaa iyadoo Adam Lallana uu hogaanka u dhiibay Brighton ka hor inta aysan Brighton hogaanka ku sii dheereysanin gool uu iska dhaliyay Perraud, waxaana guusha u sii xaqiijiyay March ka hor inta uusan Southampton gool u soo celinin Ward-Prowse.

ADVERTISEMENT

Brighton waxay ku jirtaa kaalinta 6aad halka Southampton ay u hooseyso horyaalka.

Dhinaca kale Everton ayaa iyadana gurigeeda lagu garaacay weliba waqtigii dhimashada ciyaarta iyadoo Wolves ay 2-1 ku badisay.

Everton ayaa goolka ku hormartay bilowgii qeybta hore ka dib gool uu u saxiixay Mina laakiin waxaa isla qeybtii hore barbareeyay Podence.

Daqiiqadii 95aad ee waqtiga dhimashada ciyaarta waxaa Wolves goolka guusha u dhaliyay Ait-Nouri, taasoo ka dhigeysa in Everton ay weli halis ku jirto inkastoo ay kaalinta 15aad ku jiraan.

Share277Tweet173
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Murugaysan Ayaa Markii Ugu Horreysay Yimid Tababarka Xilli Uu Ka Fikirayo

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Murugaysan Ayaa Markii Ugu Horreysay Yimid Tababarka Xilli Uu Ka Fikirayo

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Pep Guardiola oo uu wejigiisu beddelan yahay ayaa markii ugu horreysay la arkay tan iyo markii ay soo baxeen fadeexadaha...

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Fadeexadda ku habsatay kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa farqa lasoo gashay halyeyga reer Ivory Coast ee Yaya Toure oo...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.