Kulankii ugu horeysay ee Joao Felix ee Chelsea ma noqonin sidii la qorsheynayay xalay oo Khamiis aheyd iyadoo weeraryahanka la siiyay casaan toos ah qeybtii labaad ee kulankii ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Fulham.
23 jirkaan ayaa waxaa shaxda ku soo bilaabay tababare Graham Potter inkastoo uu kooxda u soo wareegay Arbacadii. Felix ayaa dhowr jeer soo bandhigay tayadiisa isagoo lix darbo ku tuuray goolhaye Bernd Leno.
Si kastaba, wax yar ka dib markii Denis Zakaria uu dhaawac ku baxay, kulankii Felix ayaa soo dhamaaday markii garsoore David Coote uu casaan toos ah ku siiyay weeraryahanka taakal xun uu ku sameeyay Kenny Tete.
Fulham ayaa ciyaarta badisay ka dib markii uu Carlos Vinicius uu madax ku dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Fulham daqiiqadii 73aad.
Kaliya hal kulan oo uu qeyb ka ciyaaray Chelsea, Felix wuxuu haatan maqnaan doonaa seddexda kulan ee soo socda ee Premier League sida uu qabo sharciga horyaalka.
Qaladka uu Felix sameeyay waxaa loo arkaa taakal halis ah taasoo la micno ah inuu wajahayo ganaax seddex kulan ah.
Sharciga wuxuu dhigayaa in kaadh jaale labaad uu keenayo ganaax hal kuln ah, si la mid ah casaan ku yimid qalad xirfadeed. Ciyaaryahanka wuxuu wajahayaa ganaax labo kulan ah haddii uu u dhaqmo si anshax xumo ah, halka uu seddex kulan wajahayo haddii uu ku kaco qalad halis ah. Qaladka Joao Felix wuxuu galayaa midka ugu danbeeya.
Felix wuxuu haatan seegayaa seddexda kulan ee horyaalka Premier League ee ay Chelsea la balansan tahay Crystal Palace, Liverpool iyo mar kale Fulham.