Xiddiga reer France ee Blaise Matuidi oo khadka dhexe uga ciyaari jiray Juventus iyo Paris Saint-Germain, ayaa sheegay xiddiga uu rumaysan yahay in uu hayo dariiqii Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo sannadaha soo socda uu urursan doono abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.
Matuidi oo hadda u ciyaara kooxda horyaalka Maraykanka ee Inter Miami FC ee uu iska leeyahay David Beckham, ayaa waxa waraysi uu siiyey SporX uu ku sheegay, in abaal-marinta Ballon d’Or sannadaha soo socda uu yeelan doono Kylian Mbappe, si la mid ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo muddo dheer iska soo nas-nasinayay.
“Mbappe waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda u sharraxan Ballon d’Or, fursad ayaanu u haystaa in uu ku guuleysto. Ka sokow da’diisa yar, waxa uu muujiyey in uu yahay ciyaartoy heersare ah. Kubaddiisu way ku xiiso gelinaysaa.” Ayuu yidhi Blaise Matuidi.
Laacibkan ayaa waxa uu isbarbar-dhig ku sameeyey Kylian Mbappe, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waxaanu yidhi: “Mbappe waxa uu leeyahay wax walba oo uu sannadkan ama sannadaha xiga ugu guuleysanayo Ballon d’Or. Waxay ila tahay, in Mbappe uu hayo raadkii Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waanu u dhow yahay.”
Kylian MBappe ayaa waxa uu hadda ka garab ciyaaraa Lionel Messi iyo Neymar Jr oo ay waa abuureen weerarka ugu halista badan dunida, iyaga oo xilli ciyareedkan bilowga ah dhaliyey 27 gool oo ay kooxdoodu saxeexday iyadoo dhawr kulan oo kaliya dheeshay.