Kooxda Sucuudiga ee Al Nassr ayaa maanta soo bandhigtay saxeexdeeda cusub ee Cristiano Ronaldo, iyadoo garoonka King Saud University Stadium ay usoo buuxiyeen ku dhowaad boqol kun oo qof oo taageereyaal ah.
Saxaafadda ayuu kula hadlay garoonka dhaxdiisa oo goob looga diyaariyey ay wariyeyaal tiro badan iska soo xaadiriyeen, waxaanu sheegay in imaatinkiisa Sucuudigu aanu ka dhignayn dhamaadka xirfaddiisa isla markaana kuwa u haysta sidaa aanay waxba kubadda ka garanayn.
37 jirkan oo saxeexay heshiis laba sannadood iyo badh ah oo uu 200 milyan oo Euro sannadkii ku helayo, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inuu dalabyo badan ka helay kooxo kala duwan intii aanu go’aansanin inuu tago Al Nassr, waxaanu yidhi: “Waxa aan idiin shegayaa in aan fursado badan ka haystay Yurub, kooxo badan oo reer Brazil ah, Australia, USA iyo xataa naadiyo reer Portugal ah oo isku dayay inay isla saxeexdaan.
“Laakiin waxa aan kalmaddayda siiyey kooxdan, kaliyana ma aha horumarka ay kooxdu samaynayso laakiin dal ahaan ayaan u aqbalay. Waan garanayaa waxa aan doonayo, sidoo kalena waan garanayaa waxa aanan doonayn.”
Cristiano Ronaldo oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Shaqadaydii Yurub way soo dhamaatay. Waxa aan usoo ciyaaray kooxaha ugu wanaagsan dunida… waxa aan kusoo guuleystay wax walba, haddana waan ku faraxsanahay in aan ku biiro Al Nassr.
Ugu dambayntii waxa uu amaanay heerka kubadda cagta Sucuudiga, waxaanu yidhi: “Dadku ma oga heerka ay gaadhsiisan tahay kubadda halkani. Qandaraaskani waa mid gaar ah sababtoo ah waxa aan ahay ciyaartoy khaas ah. Aniga wax caadi ah ayuu ii yahay.”