Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Koox Premier League Ah Oo Tababare Ka Dhiganaysa Thomas Tuchel Bilo Kaddib Markii Ay Eriday Chelsea

by Abdiwahab Ahmed
January 18, 2023
0
“Isaga Ayaa Ka Masuul Ah Wixii Uu Sameeyay!!” – Tuchel Oo Eedaymo Dusha Ka Saaray Ciyaaryahan Kooxdiisa Chelsea Ah

Tababarihii hore ee Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa  la sheegay inuu dib ugu soo noqonayo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo loo magacaabayo mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee ka dhisan magaalada London/

ADVERTISEMENT

Tuchel ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo bishii September oo si lama filaan ah shaqada ay uga caydhisay Chelsea oo mulkiilaheeda cusub ee Todd Boehly ay isku fahmi waayeen sida kooxda loo maamulayo.

49 jirkan oo Chelsea u qaaday Champions League sannadkii 2021 ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo Yurub ah, laakiin waxa hadda ugu cadcad Tottenham oo ay wararku sheegayaan in uu ka tegi doono Antonio Conte dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargeyska Evening Standard ayaa qoray, Tottenham ayaa si dhow ula socota Tuchel, waxaanay doonayaan in ay u bandhigaan qandaraas dib ugu soo celinaya magaalada London dhamaadka xilli ciyaareedkan, haddii uu Antonio Conte kusii adkaysto in aanu saxeexin heshiis cusub oo ay u bandhigtay Spurs.

ADVERTISEMENT

Conte ayaa marar badan ka cadhaysiisay taageereyaasha kooxdiisa oo uu u sheegay in xataa aanay macquul ahayn in ay ka mid noqdaan afarta sare ee xilli ciyaareedkan, iyaga  oo Khamiistana la ciyaari doona Manchester City oo hddii ay ka bidiso hoos ugu ridi karta kaalmaha siddeedaad ama sagaalaad.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Tottenham ayaa haysata dookh ah in ay 12 bilood ku kordhin karto heshiiska Conte ee hadda laakiin lama filayo in uu 53 jirkani sii joogo London.

ADVERTISEMENT
Share420Tweet263
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.