Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Koox Ingariis Ah Oo Hooy La’aan Ay Ku Dhacday Ka Dib Markii Garoonkii Ay Ku Ciyaarayeen Laga Baxsaday

by Saed Mohamed
December 5, 2022
0
Koox Ingariis Ah Oo Hooy La’aan Ay Ku Dhacday Ka Dib Markii Garoonkii Ay Ku Ciyaarayeen Laga Baxsaday

Kooxda heerka labaad ee dalka Ingariiska Convertry City ayaa hooy la’aan ay ku dhacday ka dib markii shirkadii iska laheyd garoonkii ay ku ciyaarayeen ay dalbadeen inay garoonka isaga baxaan.

ADVERTISEMENT

Mike Ashley oo ahaa milkiilihii hore ee kooxda ingariiska Newcastle ayaa iibsaday garoonka Conventry Building Society Arena bishii la soo dhaafay.

Laakiin durbaba wuxuu qaaday talaabo lala yaabay isagoo garoonka ka saaray kooxdii ku ciyaareysay inkastoo ay diyaar u ahaayeen inay iska bixiyaan lacagta kirada.

Shirkada garoonka iska leh ayaa sheegtay in kooxda Conventry City aysan xaq u laheyn inay isticmaasho garoonka, waxaana loo sheegay kooxda heerka labaad in la siinayo waqti ay ku guuraan iyadoo kulankooda xiga ee martida loo noqonayo ay la ciyaarayaan kooxda Swansea 17ka bishan December.

ADVERTISEMENT

BBC ayaa sheegtay in madaxda kooxda lagu wargeliyay Jimcihii inay soo celiyaan furayaasha iyo kaararka lagu galo garoonka.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Shirkada garoonka iska leh ayaa diiday inay ixtiraamto hishiiskii hore ay kooxda ku deganeyd garoonka, madaama shirkadii laga iibsaday ay noqotay mid musalaftay bishii Oktoobar.

Koox Ingariis ah oo garoonka laga baxsaday

Garoonka waxaa la dhisay sannadii 2005 markaasoo Conventry ay ka ciyaareysay isla horyaalka heerka labaad.

Ma ahan markii ugu horeysay ee garoonkan laga baxsado koxdaan. Sannadkii 2013 waxay si ku meel gaar ah ugu guureen garoon yar ka dib markii ay isku dhaceen milkiilayaasha garoonka.

ADVERTISEMENT

Sidoo kale waxay sanadkii 2019 u guureen garoonka kooxda Birmingham City ee St Andrews Stadium ka dib markii ay iska bixin waayeen lacagta kirada.

Share366Tweet229
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.