Xulka France ayaa caawa la ballansan dhigiisa Australia kulan ay ku furanayaan koobka aduunka oo ay difaacan doonaan sanadkan maadaama ay afar sano kahor kusoo guuleysteen tartankii ka dhacay dalka Ruushka.
France ayaa koobkan waayaya xiddigo badan oo waaweyn oo ay rajayn lahaayeen inay ku hoggaamiyaan markale tartanka.
Karim Benzema ayaa ah ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee dhaawac looga saaro Les Bleus iyadoo uu sidoo kale horeba uga maqnaayeen Paul Pogba iyo N’Golo Kante.
Mid kamida boosaska ugu tartanka badan xulkaas ayaa ah daafaca dhexe oo ay wada joogaan Raphael Varane, Ibrahima Konate, Jules Kounde, Dayot Upamecano, William Saliba, Badiashile iyo xataa Lucas Hernandez.
Iyadoo uu Rapha Varane yahay hoggaamiyaha koowaad ee booskaas ee macalin Didier Deschamps ayaan la filayn inuu caawa kahor tago Australia sababo taxadar dartood maadaama uu hadda uun kasoo laabtay dhaawac.
Sida uu sheegayo wargeyska L’Equipe ee France kasoo baxa, shaxda Deschamps ee caawa ayay daafaceeda dhexe kusoo wada bilaaban doonaan daafacyada Liverpool iyo Bayern Munich ee Konate iyo Upamecano.
Taas ayaa la macno ah in Saliba oo xilli ciyaareed fiican ku qaadanayay Arsenal, Kounde iyo Badiashile ay keydka ku furanayaan.