Khabiirka kubadda cagta ee Chris Sutton ayaa tilmaamay saddex meelood oo ay labada xul ee Faransiiska iyo Argentina ku dagaallami doonaan finalka Koobka Adduunka ee Axadda, kuwaas oo ciddii ku guuleysataa ay si fudud u qaadan doonto Koobka Adduunka.
Dagaalka u dhexeeya labada ciyaartoy ee Paris Saint-Germain ka wada tiirsan ee Kylian Mbappe iyo Lionel Messi ayaa la filayaa in uu qabsado cinwaannadda waaweyn ee jaraa’idka, laakiin Chris Sutton waxa uu ku adkaystay in saddex ciyaartoy oo kale ay noqon doonaan kuwa uu dagaalkoodu go’aamiyo ciyaarta.
Chris Sutton oo maqaal ku qoray wargeyska Daily Mail ayaa waxa uu dul istaagay Antoine Griezmann oo dib u helay ciyaartiisii wanaagsanayd iyo da’yarka reer Argentina ee Enzo Fernandez, waxaanu yidhi: “Waxa aan daawaday Antoine Griezmann kulankii Morocco, haddii aanad ogeyn in uu ka mid ahaa weeraryahannadii ugu wanaagsanaa kubadda cagta tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, waxay noqonaysaa in aad u malaynaysay inuu ka mid ahaa dhaxda ugu wanaagsan. Shaqadiisa difaaca ee semi-finalkii waxay ahayd mid cajioib ah oo sababtay guusha dalkiisa.
“Griezmann halis ayuu ku yahay kubadda, waxayse tijaabo adag ku noqon doontaa difaacista da’yarka Argentina usoo baxay ee Enzo Fernanadez. Waa dagaal khadka dhexe ah oo aanan sugi karayn daawashadiisa.”
Waxa kale oo uuu Chris Sutton sheegay in dagaal weyni u dhaxayn doono Kyian Mbappe iyo difaaca midig ee reer Argentina ee Nahuel Molina, kaas oo midkooda ku guuleysta uu dalkiisa guusha siin doono.
Dagaalka saddexaad ee Chris Sutton uu sheegay in uu ciyaarta go’aamin doono waa midka ay iskaga hor iman doonaan Lionel Messi iyo Aurelien Tchouameni, waxaana uu yidhi: “Aurelien Tchouameni waxa uu ka hawlgeli doonaa dhaxda Faransiiska, waxayna u badan tahay inay iska garab ciyaari doonaan Adrien Rabiot. Booskaasi waxa uu noqon doonaa mid muhiim u ah finalka Koobka Adduunka marka uu Lionel Messi isaguna halkooda yimaadda, sababtoo ah waa booska uu sida fiican uga shaqaysanayay Messi ee uu saamaynta cajiibka ah ka samaynayay tartanka.
“Messi wuu is-gaabin doonaa oo uu aamusnaan doonaa bilowga ciyaarta, laakiin marka ay ciyaartu degto ee ay eelo bannaan soo baxaan ayaa uu bilaabi doonaa in uu muuqdo. Tchouameni iyo saaxiibbadii waxa u taalla shaqo weyn oo ay tahay inay qabsadaan.”