Khabiir Paul Merson Oo Xushay Shaxdiisa Xulka England Ee Koobka Aduunka & Ragga Uu Booska Uga Dhaartay

Khabiirka kubadda cagta England ee Paul Merson ayaa soo xushay shaxdiisa xulka dalkaasi ee uu filanayo inay tahay mida ugu wanaagsan ee ay koobka aduunka ku tagi karaan.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah Jordan Pickford oo la filayo inuu booskaasi oo uu koobabkii ugu dambeeyay oo dhan ka ciyaarayay si fudud ku ceshan doono walow uu haatan kulamada Nations League dhaawac ku seegayo.

Labada daafac dhexe ayaa kala ah John Stones iyo Kyle Walker oo isagu asal ahaan daafac midig ah balse Merson doonayo in doorkaas loo isticmaalo taas oo ka dhigan inuu ka doorbidayo daafacyada dhexe sida Harry Maguire, Conor Coady, Fikayo Tomori iyo Erik Dier.

Advertisements

Daafaca midig ayaa ah Trent Alexander Arnold oo uu kasoo hormariyay Reece James halka daafaca bidix uu yahay Kieran Trippier oo caadiyan daafac midig ah balse uu isaga ka doorbidayo Luke Shaw iyo Ben Chilwell labadaba.

Burburiyaha dhexda ayuu u doortay kabtanka West Ham ee Declan Rice halk uu labada khad dhexe ee ka horreeya ka dhigay Mason Mount iyo Phil Foden oo Chelsea iyo Man City kala ah.

Saddexleyda afka hore ayuu ka dhigay hoggaamiyaha Tottenham ee Harry Kane, Raheem Sterling oo Chelsea wacdarro ku dhigaya iyo Marcus Rashford oo Man United xilli ciyaareedka qaab heer sarre ah kula bilawday.

Shaxda Oo Sawir Ah

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada