Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Kevin de Bruyne: Erling Haaland Wuu Ka Fiicnaan Doonaan Cristiano Ronaldo

by Saed Mohamed
December 26, 2022
0
Kevin de Bruyne: Erling Haaland Wuu Ka Fiicnaan Doonaan Cristiano Ronaldo

Kevin de Bruyne ayaa aaminsan in Erling Haaland uu jabin doono rikoodhka 800 gool ee Cristiano Ronaldo islamarkaana uu noqon doono mid ka mid ah gooldhaliyayaasha ugu fiican abid.

ADVERTISEMENT

Xiddiga reer Norway ayaa ku bilowday noloshiisa Manchester City si cajiib ah isagoo Khamiistii dhaliyay goolkiisii 24aad ee xilli ciyaareedka kulankii Carabao Cup ee ay 3-2 kaga badiyeen Liverpool.

Inkastoo uu kaliya 22 sanno jir noqday xagaagii hadana waxa uu durba dhaliyay 180 gool 224 kulan uu saftay.

Kevin de Bruyne ayaa aaminsan in Erling Haaland uu kor u dhaafi doonto Cristiano Ronaldo kaasoo ah xiddiga ugu goolasha badan abid isagoo dhaliyay 819 gool, halka Lionel Messi uu dhaliyay 793 gool.

ADVERTISEMENT

KDB ayaa yiri: “Haaland wuxuu dhalin doonaa 600, 700 ama 800 haddii uu taam ahaado islamarkaana uu sameeyo waxyaabaha uu sameynayo haatan.”

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Erling weli wiil da’ yar oo nolosha ku riyaaqaya – laakiin si dhab ah ayuu u wajahaa kubada cagta.

“Wuxuu jecel yahay gooldhalinta, waa wax isaga u gaar ah.

“Aad ayay u adag tahay in lala barbardhigo weeraryahanadii aan la soo ciyaaray sababtoo ah aad ayay u kala duwan yihiin.

“Dabcan hal boos ayay ka wada ciyaaraan laakiin qaar waa kuwa awood jireed leh, halka qaar ay yihiin kuwa xawaare dheereeya oo goolasha u dhalin kara si baashaal ah.

ADVERTISEMENT

“Haaland wuxuu ku waalan yahay goolasha, wuuna dhaafi karaa rikoodh kasta oo gooldhalin ah.”

Share273Tweet171
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.