Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Karim Benzema Oo Kusoo Laabtay Tababarka Xilli Xulkiisu Isku Diyaarinayo Ciyaarta Morocco & Go’aanka Didier Deschamps

by Abdiwahab Ahmed
December 11, 2022
1
Maxaa Maanta Ka Dhacay Garoonka Tababaraha Xulka Qaranka France Xilli Taageereyaashu Wadnaha Farta Ku Hayaan?

Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa dib ugu soo laabtay tababarka oo uu ka maqnaa tan iyo bilowgii Koobka Adduunka oo isaga oo ciyaartoyda xulkiisa Faransiiska la qaadanaya tababarka uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa.

ADVERTISEMENT

Karim Benzema oo aan laga saarin liiska xulka Faransiiska inkasta oo uu dhaawac ahaa, ayaa hore loo sheegay inuu fursad u helayo inuu ciyaaro kulamada ugu dambeeya haddii uu taam noqdo.

Faransiiska oo xalay usoo gudbay semi-finalka Koobka Adduunka oo ay kula ballansan yihiin Morocco ayaa waxay haystaan toddoba maalmood oo ay ku difaacan karaan Koobka Adduunka ee ay sannadkii 2018 ku guuleysteen.

Karim Benzema oo 34 jir ah ayaa Sabtidii iska xaadiriyey garoonka tababarka ee Ciudad Deportiva de Valdebebas oo ay ku sugnaayeen ciyaartoyda Real Madrid, waxaana uu si buuxda u qaatayy tababarka.

ADVERTISEMENT

Sida uu sheegay wargeyska Sport ayaa hore loo siiyey maalmo dheeraad ah oo fasax ah si uu u helo waqti uu si buuxda ugu soo kabto, waxaana uu Sabtidii bilaabay inuu isku diyaariyo kulamada adag ee kusoo waajahan kooxda tababare Ancelotti.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Warku ma sheegin in Benzema uu qorshihiisu yahay inuu dib ugu laabto xulka Faransiiska kaddib tababarka, si uu qayb uga noqdo semi-finalka Koobka Adduunka ee Morocco ama haddii ay soo baxaan inuu ciyaaro finalka, balse waxa  la sheegay in qorshuhu uu hadda yahay in uu taam noqdo maalmaha soo socda  oo uu jidh ahaan u diyaar-garoobo, maadaama aanu muddo 20 maalmood ah wax tababar ah qaadanin.

Didier Deschamps ayaa dhinaciisa la sheegay, in aanay qorshaha ugu jirin inuu dib ugu yeedho Karim Benzema maadaama aanu haysan waqti badan oo uu taam ku noqdo, laakiin xaaladda ayaa  isbeddeli karta haddii ay waxyeello soo gaadho Olivier Giroud oo ah weeraryahanka dhexe ee kaliya ee xulka Faransiisku haysto.

Tababarkii Real Madrid ee Sabtidii waxa kale oo kusoo laabtay David Alaba oo uu tababare Carlo Ancelotti siiyey fasax dheeraad ah sida Karim Benzema oo kale.

Real Madrid ayaa kulankeeda ugu horreeya ee horyaalka LaLiga waxay maalinta Jimcaha ee December 30 la ballansan tahay Real Valladoli.

ADVERTISEMENT
Share463Tweet289
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Comments 1

  1. AK.TIINI says:
    2 months ago

    ok haye

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.