Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Karim Benzema Oo Ku Sugan Jasiiradda La Qariyey Ee Duleedka Afrika Ee Dalkiisu Haysto

by Abdiwahab Ahmed
November 29, 2022
0
Karim Benzema Oo Ku Sugan Jasiiradda La Qariyey Ee Duleedka Afrika Ee Dalkiisu Haysto

Karim Benzema ayaa ku sugan meel aad loo qoriyey sirteeda iyo safarkiisa oo ku taal duleedka Afrika, kaddib markii ay burburtay riyadiisii Koobka Adduunka ee uu soo gaadhay dhaawacu isaga oo ku sugan waddanka  Qatar.

ADVERTISEMENT

Tababare Didier Deschamps ayaa go’aansaday in aanu u yeedhin ciyaartoy beddela Benzema, waxaanay taasi ka dhigan tahay in laacibkani uu fursad u haysto inuu ciyaaro kulamada Koobka Adduunka ee wareegyada dambe haddii uu taam u noqdo oo uu kasoo bogsado dhaawaca.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa wararka laga helayay Spain waxay sheegayeen in Benzema uu si degdeg ah uga soo kabanayo dhaawaca oo uu kasoo horreynayo waqtigii la filayay inuu kusoo laabanayo garoomada, taas oo haddii ay dhacdo fursad u siin karaysa inuu kusoo laaban karo Koobka Adduunka.

Arrintan ayaase hadda u muuqata in aanay macquul ahayn sababtoo ah Karim Benzema ayaa ka degay goob sir  ah toddobaadkan horraantiisii, waxaana uu ku qaadanayaa usbuuc fasax ah.

Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa Faransiiska ayaa daabacay sawir muujinaya Benzema oo ku sugan jasiiradda ku taalla badweynta India ee La Reunion oo ku taalla duleedka waddanka Madagascar ee ka tirsan qaaraddan Afrika, waxaanay arrintaasi meesha ka saaraysaa inuu toddobaadkan tababarka la bilaabo ciyaartoyda kooxdiisa Real Madrid.

Benzema ayaa markii hore la filayay inuu tababarka la bilaabo kooxdiisa dhamaadka usbuucan, balse fasaxa uu ku tegay La Reunion ayaa waxay keenaysaa inuu dib u dhaco oo sidoo kale ay meesha ka baxdo fursaddii uu dib ugu laaban lahaa Koobka Adduunka.

Saxaafadda Spain ayaa sheegaysa in arrintani ay muujinayso in Benzema ay waqti dheer ku qaadan doonto inuu taam ka noqdo dhaawacyada ragaadiyey xilli ciyaareedkan, sidoo kalena aanu u dhoweyn inuu tababarka kusoo laabto.

Si kastaba ha ahaatee, haddii uu Karim Benzema kasoo noqdo dhaawaca ka hor dhamaadka koobka adduunka, waxa suurtogal ah in Didier Deschamps uu u yeedho kulamada ugu dambeeya Koobka Adduunka haddii ay soo gaadhaan, inkasta oo la sheegayo in  Deschamps aanu doonayn inuu laacibkan u yeedho maadaama uu hore dhaawac ugaga baxay xulka.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

January 28, 2023
“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023
Share400Tweet250
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Garoonka tababarka kooxda kubadda cagta Brighton & Hove Albion waa uu ka duwanaa saaka sidii uu hore u ahaan jiray,...

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.