Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Kaddib Guul-darradii Brentford, Liverpool Oo Qasnaddeeda U Jabinaysa Xiddigii Uu Pep Guardiola Ammaanta Ka Ceshan Waayey

by Abdiwahab Ahmed
January 3, 2023
0
Kaddib Guul-darradii Brentford, Liverpool Oo Qasnaddeeda U Jabinaysa Xiddigii Uu Pep Guardiola Ammaanta Ka Ceshan Waayey

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib ugu laabanaysa suuqa iibka ciyaartoyda toddobaad kaddib markii ay dhamaystirtay saxeexa weeraryahanka reer Holland ee Cody Gakpo oo ay £38 milyan oo Gini kagala soo wareegtay PSV Eindhove.

ADVERTISEMENT

Reds oo guul-darro xanuun kulul xalay kala soo kulantay Brentford oo kusoo karbaashtay 3-1 ayaa waxa la sheegay in tababare Jurgen Klopp uu ku qancay in ay qasab tahay in ay la saxeexdaan khad dhexe oo adag, si ay kaalinta afraad ugu dagaallami karaan.

Brentford oo khadka dhexe iyo difaaca Liverpool si fudud ku burburisay ayaa waxay soo saartay gol-daloolooyin badan oo illaa uu tababare Jurgen Klopp xal u helo aanu la tartami karayn kooxaha hadda ka sarreeya, sida Arsenal iyo Manchester City.

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa Ingiriiska, Liverpool ayaa waxa guul-darradii Brentford kaddib ay dib ugu laaban doontaa xiddiga kooxda Wolves ee Matheu Nunes oo ay xagaagii hore isku dayeen inay la saxeexdaan laakiin ay Wolves uga hormartay oo ay kasoo qaadatay Sporting Lisbon.

Matheu Nunez ayay Wolves kasoo bixisay lacag gaadhaysa £42.2 milyan oo Gini, waxaana horeba ammaanta uga xajisan waayey tababare Pep Guardiola oo ku sifeeyey ‘mid kamidah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida ee khadka dhexe.

The Telegraph waxa uu intaa ku daray, in Liverpool ay ku heli karayso Nunez lacag gaadhaysa £44 milyan oo Gini.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
Share428Tweet268
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.