Maxkamada FIGC ayaa xukun 15 dhibcood laga jarayo ku riday Juventus ka dib markii ay musuq dhaqaale saameeyeen taasoo gilgishay kubada cagta Talyaaniga.
Xeer ilaaliye Giuseppe Chine ayaa weydiistay in kiiska dib loo furo ka dib markii warbixino cusub laga helay baaritaankii Prisma oo ah oo xafiiska dacwad oogaha Turin ee baarayay musuqii dhaqaale ee ay sameeyeen madaxda kooxda Juventus intii uu socday cudurka Korona Fayras.
Juventus ayaa buugeeda xisaabta ku qortay in ciyaartoyda Juventus ay ogolaadeen mushahar dhimis madaama Korona Fayras uu saameeyey dhaqaalahooda, laakiin ciyaartoyda ayaa mushaharkooda oo dhameystiran lagu siiyay daaha gadaashiisa taasoo keentay inaan la canshuurin lacagtaas.
Dheagysigii shalay ayay xeer ilaalinta Talyaaniga iyo xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ee FIGC ay dalbadeen in sagaal dhibcood laga jaro Juventus laakiin maxkamada ayaa riday xukun ah in 15 dhibcood laga jaro kooxda juventus madaama cadeymo cusub ay soo baxeen.
Waxaa iyagana ganaaxo waa weyn la duldhigay madaxweynihii hore ee kooxda Andrea Agnelli, Fabio Paratici, Federico Cherubini, Pavel Nedved iyo Maurizio Arrivabene.
Paratici ayaa wajahay ganaaxa ugu adag isagoo 30 bilood laga mamnuucay kubada cagta. Agnelli iyo Arrivabene waxaa laga ganaaxay kubada cagta muddo 2 sannadood ah, Cherubini waxaa laga ganaaxay 16 bilood halka Nedved la ganaaxay sideed bilood.
Warbixin ay baahisay Juventus ka dib markii uu xukunkaan dhacay ayay ku xaqiijiyeen inay racfaan ka qaadan doonaan oo ay u gudbin doonaan maxkamada sarre.
Maxkamada FIGC ayaa sidoo kale codsatay in ganaaxa la balaariyo oo ay ka qeyb qaataan UEFA iyo FIFA taasoo halis gelineysa shaqada Paratici ee agaasimaha Tottenham