Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in uu dhaawac cusub soo gaadhay xiddiga kooxdiisa ee Luis Diaz ee saddexdii bilood ee ugu dambeeyey u jiifay dhaawac jilibka ah oo uu hadda kasoo kabanayay.
Xiddiga reer Colombia ayaa dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay ciyaartii Arsenal uga maqnaa garoomada tan iyo bishii October, hase yeeshee waxa uu toddobaadkii hore u duulay magaalada Dubai isaga oo qayb ka ahaa ciyaaartoyda kale ee dalkiisa ee Imaaraadka Carabta u tegay tababarka iyo inay iskugu diyaariyaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Axadda ayay Liverpool kulan saaxiibtinimo kula ballansan tahay Lyon, waxaana la filayay in Luis Diaz uu ciyaartaas qayb ka noqon doono, hase yeeshee tababare Jurgen Klopp ayaa saxaafadda u sheegay inuu mar kale laacibkani dhaawacmay, waxaanu yidhi: “Wiilashu way fiican yihiin marka laga eego taam ahaanshaha jidheed.
“Laakiin arrinta aan fiicnayn ayaa ah in aanu aragnay Lucho [Luis Diaz]. Xanuun ayuu dareemay, waxaananu u baahanahay in aanu qiimayno, balse inta kale ee ciyaartoydu way fiican yihiin.”
Dhaawaca cusub ee Diaz ayaa la sheegay in uu yahay kuraanta, taas oo walwalka ka yaraynaysa Jurgen Klopp mar haddii aanu dhaawaciisu ahayn jilibkii uu hore uga dhibaatoonayay.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa isku diyaarinaysa ciyaarta Carabao Cup ee afar maalmood kaddib finalka Koobka Adduunka ay Etihad Stadium kula ciyaari doonaan Manchester City, taas oo ay ugu sii xigayso Aston Villa oo iyadana afar maalmood kaddib ay la ciyaari doonaan ka hor inta aanay usbuuc gudihii ka hor tegin Leicester City iyo Brentford.