Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

by Abdiwahab Ahmed
January 22, 2023
0
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lumiyey samirkii iyo kalsoonidii uu u hayay afar ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa kaddib barbarrihii goolal la’aanta ahaa ee ay Sabtidii garoonka Anfield kula galeen Chelsea oo soo booqatay, taas oo ahayd ciyaartiisii 1,000aad ee uu tababare yahay.

ADVERTISEMENT

Klopp ayaa ku jira xilli ciyaareed adag oo ay kooxdiisu fadhido badhtamaha miiska kala sarraynta, balse kooxda ay la ciyaarayeen ee Chelsea ayaa kasii hoosaysa iyadoo waliba lacagtii ee koox Premier League ah ay bixiso ku kharash-garaysay suuqa lixdii bilood ee ugu dambeeyey.

Anfield oo ahaan jiray garoon kulamada ka dhacaya waqti horeba loosii qoro Liverpool ayaa ku noqday meel aan la kala lahayn oo sannadkan u dhexeeya kooxaha oo dhan, isla markaana hore loogu karbaashay, ka hor intii aanay Chelsea hal dhibic ka xoogin qaldaddan ay tobannaanka kun ee xamaasadda badan ku diyaarsan yihiin.

Reds ayaa qirsan in ay nasiib badan lahayd markii ay dhibic  ka xoogsadeen kulankan, sababtoo ah waxa ay VAR ka daysay gool uu garsooruhu ansixiyey oo aya Chelsea dhalisay bilowgii ciyaarta, sidoo kalena Mykhaylo Mudryk ayaa laba  fursadood oo dahabi haa ka khasaariiyey naadigiisa Blues.

ADVERTISEMENT

Mohamed Salah ayaa ku jira xilli ciyaareed aa du liita oo ay dafirtay gool-dhalintu, waxaana uu tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka tebayaa saaxiibkiisii ka mashquulin jiray difaacyahannada ee Sadio Mane oo xagaagii u wareegay Bayern Munich.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

Sida ay saxaafadda Ingiriisku ku warramayso, afar ciyaartoy ayuu tababare Jurgen Klopp lumiyey kalsoonidii iyo samirkii uu u hayay, waana kuwo bandhiggoodu aad u liito oo uu garoonka kaydka dhigay qaybtii hore ee ciyaartii Chelsea.

Labada khadka dhexe ee Fabinho iyo Jordan Henderson ayaa si lama filaan ah kursiga kaydka uu u dhigay Jurgen Klopp, waxaana go’aankaas lagu tilmaamay inuu caddayn u yahay in aanu kalsooni baadan ku qabin qaab-ciyaareedkooda. Sidoo kale, Trent Alexander-Arnold iyo Darwin Nunez ayaa la sheegay in iyagana uu aad u saluugsan yahay Jurgen Klopp oo ay sii luminayaan kalsoonidii uu tababarahoodu u hayay.

ADVERTISEMENT
Share393Tweet246
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.