Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Jurgen Klopp Oo Telefoonka Ka Wacay Xiddig Uu U Arko Xalka Dhibaatada Haysata Liverpool

by Abdiwahab Ahmed
December 26, 2022
0
Jurgen Klopp Oo Telefoonka Ka Wacay Xiddig Uu U Arko Xalka Dhibaatada Haysata Liverpool

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si shaqsi ah telefoonka uga wacay xiddig uu doonayo inuu yimaaddo Liverpool oo uu rumaysan yahay inuu xallin doono dhibaatada ay kooxdiisu ku dhax jirto xilli ciyaareedkan.

ADVERTISEMENT

Wariyaha reer Turkey ee Ahmet Ercanlar ayaa helay xogta wada-hadalka dhex maray tababare Jurgen Klopp iyo khadka dhexe ee kooxda Napoli ee Eljif Elmas, taas oo taageereyaal badan oo Liverpool ah layaab ku noqotay maadaama ay filayeen in kooxdoodu midkood la saxeexato Jude Bellingham iyo Enzo Fernandez oo si weyn loola xidhiidhinayay usbuucyadii u dambeeyey.

Jurgen Klopp ayaa hore uga gaabsaday inuu ka ahaadlo damaca kooxdiisa ee Jude Bellingham oo Jimcichii ay saxaafaddu ku weydiisay shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka Aston Villa.

Xiddiga uu telefoonka kala hadlay Jurgen Klopp ee Eljif Elmas waa 23 jir khadka dhexe ah oo hal-abuur badan, una dhashay waddanka North Macedonia, waxaana uu doonayaa in uu yimaaddo Anfield bisha January ee foodda inagu soo haysa.

Ahmet Ercanlar oo soo bandhigayay xogta uu ka helay wada-hdalka Klopp iyo Eljif ayaa yidhi: “Jurgen Klopp telefoonka ayuu ka wacay Eljif Elmas, waxaana uu u sheegay in uu doonayo inuu ku arko Liverpool. Haddii ay taasi dhacdo suuqan, Fenerbahce ayaa qayb ku yeelan doonta lacagta Liverpool ku iibsato Eljif Elmas.”

Sannadkii 2017 ayuu Eljif Elmas ka tegay waddankiisa North Macedonia oo uu ku biiray kooxda reer Turkey ee Fenerbahce oo uu u saftay 47 ciyaarood ka hor intii aanu sannadkii 2019 uga wareegin Napoli oo uu markiib saamayn badan ku yeeshay.

Xilli ciyaareedkii tegay ayaa u ahaa midkiisii ugu fiicnaa oo uu toddoba gool oo dhamaan tartamada ah u saxeexay Napoli, sidoo kalena uu noqday ciyaartoygii sannadka ee waddanka North Macedonia.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023
Share402Tweet251
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.