Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Jurgen Klopp Oo Taatikadii Darwin Nunez iyo Sadio Mane Kusoo Xero-gelinaya Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
November 28, 2022
0
Jurgen Klopp Oo Taatikadii Darwin Nunez iyo Sadio Mane Kusoo Xero-gelinaya Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Koobka Adduunka

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa mar kale ku celinaysa xeeladdii ay u adeegsatay Darwin Nunez iyo Sadio Mane, si ay ula saxeexato xiddigaha wacdaraha ka dhigaya Koobka Adduunka ee guusha ku hoggaamiyey xulka dalkiisa Ghana ciyaartii ay 3-2 ku garaaceen Koonfur Korea ee Mohammed Kudus.

ADVERTISEMENT

Xiddigan khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ajax, ayaa waxa uu isku muujiyey labadii ciyaarood ee xulkiisa ee Koobka Adduunka oo uu dhaliyey laba gool, waxaana uu burburiyey difaacayahannada Koonfur Korea oo uu laba jeer shabaqooda u weydaartay.

Liverpool ayaa muddo dheer indhaha ku haysay Mohammed Kudus, waxaana ciyaartii Portugal ay u direen shaqaalahooda suuqa oo soo daawaday, isla markaana qiimayn ku sameeyey qaab ciyaareedka laacibkan iyo sida uu ula jaan-qaadi karayo hannaanka Jurgen Klopp ee ku dhisan weerarka.

Kudus ayaa kulankii Champions League ee Liverpool iyo Ajax ee wareeggii group-yada gool ka dhaliyey Liverpool, waxaana haddii ay ku guuleystaan saxeexiisa uu ku biiri doonaa liiska xiddigo uu Jurgen Klopp la saxeexday markii ay kooxdiisa goolal ka dhaliyeen.

Klopp ayaa xagaagii waxa uu £85 milyan oo Gini kasoo bixiyey xiddiga reer Uruguay ee Darwin Nunez oo wareeggii 16ka Champions League ee bishii April goolal ka dhaliyey isaga oo u ciyaarayay kooxda Benfica.

Sidaas oo kale waxa ahaa Sadio Mane oo Jurgen Klopp uu saxeexiisa u dhaqaaqay markii uu laba gool ka dhaliyey Liverpool xilli ciyaareedkiisii koowaad, waxaana markii uu xiddiga reer Senegal yimid Anfield uu u saftay 259 ciyaarood oo uu u dhaliyey 120 gool, ka hor intii aanu xagaagii uga wareegin Bayern Munich.

Mohammed Kudus ayaa sidoo kale ku biiraya liiska xiddigaha goolasha ka dhaliyey ee ay Liverpool la saxeexatay oo uu ku jiro Takumi Minamino oo waqtigii uu joogay RB Salzburg gool kaga dhaliyey Liverpool garoonka Anfield.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

January 28, 2023
“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023
Share424Tweet265
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Garoonka tababarka kooxda kubadda cagta Brighton & Hove Albion waa uu ka duwanaa saaka sidii uu hore u ahaan jiray,...

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.