Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey inuu la yaabay dhaawaca difaaciisa dhexe ee Virgil van Dijk, waxaana uu xaqiijiyey muddada uu garoomada ka maqnaan doono oo dhibaato weyn ku noqon doonta Reds.
Virgil van Dijk ayaa dhaawac ku baxay waqtigii nasashada kulankii guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Brentford 3-1 kusoo garaacday Isniintii, waxaana baadhitaannadii lagu sameeyey ay muujiyeen in dhaawaciisu halis yahay marka loo eego sidii markii hore la moodayay.
Klopp oo maanta saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay, in dhaawaca Van Dijk uu aad u xun yahay, isagana uu layaab ku noqday markii uu helay warbixinta dhakhaatiirta, sababtoo ah waxa uu filayay in uu noqon doono dhaawac sahlan.
Tababaraha reer Germany oo maanta saxaafadda la hadlayay ayaa yidhi: “Jug weyn ayay nagu tahay. Wax badan ma aanu dareemayn markii aan saarayay sababta aan u beddelayna waxay ahayd in aanu khatar gelin.
“Laakiin ugu dambayntii dhaawaciisu waa mid halis ah. Waxa aynu ka hadlaynaa in uu muddo bil ka badan maqnaan doono. Anigu waxa aan u rajaynayaa in uu si degdeg ah usoo laabto laakiin waynu arki doonaa. “
Liverpool oo kaalinta lixaad kaga jirta horyaalka Premier League ayay dhibaato weyn ku tahay dhaawaca Van Dijk, iyadoo ay horena muddo dheer uga maqnaayeen Diogo Jota iyo Luis Diaz.
Warbaahinta ayaa qiyaastay kulamada uu Van Dijk ka maqnaanayo muddada bisha iyo dheeraadka ah, waxaana haddii ay muddadiisu noqoto bil iyo badh uu seegi doonaa Wolves oo Sabtida ay FA Cup la ciyaarayaa, Brighton, Chelsea iyo Wolves, halka uu shaki ku jiro in uu taam u noqon doono kulamada Newcastle United iyo Real Madrid ee badhtamaha bisha dambe ee February.