Jurgen Klopp ayaa shaaciyey qorshaha uga meel yaalla weeraryahanka Darwin Nunez ee ay goolal la’aantu ku habsaday, waxaanu sidoo kale shaaciyey boosaska uu ka ciyaari doono saxeexa cusub ee Cody Gakpo oo uu u calaamadiyey afar meelood.
Tababare Klopp ayaa waxa uu sheegay in isaga iyo gacan-yareyaashiisu ay ku mashquulsan yihiin sidii ay uga caawin lahaayeen Darin Nunez in uu goolal badan dhaliyo, isla markaana uga faa’iidayn lahaa fursadaha tirada badan ee uu khasaarinayo.
Darwin Nunez oo ay Liverpool £64 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Benfica xagaagii ayaa uu bandhiggiisa ciyaareed aad u f iicnaa kulamadii ugu dambeeyey, laakiin waxay dhibaatadiisu tahay goolal la’aan, waana sababta Klopp iyo gacan-yareyaashiisu ay uga shaqaynayaan sidii ay u horumarin lahaayeen gool-dhalintiisa.
Klopp oo maanta la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Nunez waxa uu leeyahay awood heersare ah. Waxa aan arkay weeraryahanno badan oo hadda isaga xukumaya. Haddii aad leedahay tayo iyo fikir fiican, wax walba way fiicnaan doonaan.
“Waxa uu leeyahay hibo sarraysa. Waxa aanu se ka shaqaynaynaa sidii uu kubbadaha u dhamaystiri lahaa. Isaga waxa looga baahan yahay in uu is-dejiyo waqtigan. Waa dhibaato haddii uu weeraryahanku ka faa’iidayn waayo fursadaha, laakiin dib ayaad u helaysaa marka aad xaaladahan oo kale gasho. Wax walba waqtigooda ayay imanayaan.”
Dhinaca kale, Jurgen Klopp ayaa waxa uu ka hadlay saxeexa cusub ee Codor Gakpo, waxaanu yidhi: “Waxa uu ka ciyaari karaa boosas kala duwan – waxa uu ka ciyaari karaa dhamaan afarta boos ee afka hore – garbaha iyo weerarka dhexe. Wali waa ciyaartoy da’yar, run ahaantiina qaab wanaagsan kusoo muujiyey Holland iyo PSV.”
Waxa kale oo uu Jurgen Klopp sheegay, qaabka uu doonayo inuu ku ciyaaro kaddib saxeexa Gakpo, waxaanu yidhi: “Booska uu isagu doorbido waa inuu ka ciyaaro garabka bidix ee shaxda 4-3-3.”