Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa albaabada u furay xulka qarankiisa Germany, waxaana uu qirtay in aanay su’aal ka taagnayn waqtigan oo ay kooxdiisa Liverpool ku jirto xaalad adag oo ay kaalinta lixaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League fadhido.
Klopp oo ay da’diisu tahay 55 jir ayaa Liverpool tababare u ahaa tan iyo October 2017, waxaana muddadii uu Anfield joogay uu dhalan-geddiyey naadiga oo uuku hoggaamiyey guulo waaweyn, isaga oo soo afjaray abaartii horyaalka Premier League ka haysatay oo uu u qaaday 30 sannadood kaddib.
Horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League ayuu u qaaday 2020, sidoo kalena waxay laba jeer yimaaddeen finalka oo ay labadaba ka qaadday Real Madrid. Waxa kale oo ay qaadeen FA Cup, Carabao Cup iyo Community Shield.
Xilli ciyaareedkan ayaa uga duwan kuwii ka horreeyey, waxaanay 16 dhibcood ka dambeeyaan Arsenal oo hoggaanka haysa iyaga oo waliba ku jira booska kaalinta afraad.
Jurgen Klopp ayaa la sheegay in toddoba sannadood oo uu joogay Liverpool kaddib uu samayn doono dhaqankii lagu yaqaanay ee ahaa in aanu mid siddeedaad ku darsanayn, sidii uu sameeyey waqtigiisii Borussia Dortmund iyo Mainz 05, waxaana uu albaabada u furay xulka qarankiisa Germany.
Xidhiidhka kubadda cagta Germany yaa ka fiirsanaya inay shaqada ka eryaan Hansi Flick kaddib markii ay wareeggii koowaad ee group-yada kaga hadheenKoobkii Adduunka, waxaana ay indhaha ku hayaan Jurgen Klopp.
Si kastaba ha ahaatee, Klopp ayaa hore u sheegay in aanu doonayn inuu ka tago Liverpool illaa inta uu dhamaysanayo heshiiskii cusbaa ee uu saxeexay oo soconaya illaa sannadka 2026.