Xiddiga da’da yar ee reer England ee Jude Bellingham ayaa taariikh cusub ka sameeyey Koobka Adduunka, kaddib markii uu dhaliyey goolkiisii koowaad, iyadoo ay u ahayd kulankiisii ugu horreeyey ee Koobka Adduunka ciyaartii uu xulka qaranka England 6-2 ku garaacay Iran.
Jude Bellingham ayaa ku raaxaysanayay garoonbka ciyaartiisii koowaad ee Koobka Adduunka, iyadoo 35 daqiiqadood markii ay socotayna madax ku qabtay kubbad uu ku furay ciyaarta. Goolkan ayaa taariikhda uu ku galay Bellingham.
19 jirkan ayaa noqday ciyaartoygii labaad ee ugu da’da yaraa ee abid xulka England u dhaliya gool tartanka Koobka Adduunka, waxaana kaliya ka horreeyey Michael Owen oo sannadkii 1998kii dhaliyey gool iyadoo ay da’diisu ka yarayd inta Jude Bellingham.
Bellingham ayaa la kulmay kubbad uu Luke Shaw kasoo dhigay dhinaca bidix, waxaanu ku qabtay madax awood badan oo uu ku niyad-jabiyey ciyaartoyda Iran, waxaana goolkan ka dambeeyey shan gool oo kale oo ay kala dhaliyeen Bukayo Saka oo laba-jeer shabaqa soo taabtay, Raheem Sterling, Marcus Rashford iyo Jack Grealish.
Jude Bellingham ayaa xilli ciyaareedkan bandhig heersare ah ka samaynayay groomada, waxaana 22 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Borussia Dortmund uu u dhaliyey sagaal gool iyo saddex kale oo uu caawiyey.