Warar cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in xiddiga da’da yar ee reer England ee Jude Bellingham uu doortay kooxdiisa mustaqbalka iyo haddii uu kusoo laabanayo horyaalka Premier League oo ah halkii uu ku kacaamay ee isaga oo ku riyoonaya inuu ka mid noqdo kooxaha waaweyn uu uga guuray Germany ee uu Borussia Dortmund kaga biiray.
Manchester United, Liverpool, Man City iyo Chelsea ayaa dedaal badan ku bixinaya sidii ay 19 jirkan ula saxeexan lahaayeen ee ay dib ugu soo celin lahaayeen England hase yeeshee kooxda lacagta badan haysata ee Paris Saint-Germain ayaa iyaduna kusoo biirtay tartanka oo diyaar u ah inay qasnaddeeda u jabiso.
Bellingham oo sumcaddiisa iyo qiimihiisuba ay sare u kaceen kaddib wacdarihii uu ka dhigay Koobka Adduunka ayaa sida uu qoray wargeyska The Sun waxa uu go’aan kama dambays ah ka gaadhay mustaqbalkiisa iyo kooxda uu doonayo inuu u ciyaaro.
19 jirkan ayaa si cad ugu sheegay kooxaha horyaalka Premier League in aanu marnaba dib ugu laabanayn England balse uu dibed joog ka ahaan doono dalkiisa oo uu ka ciyaari doono horyaallada kale ee waaweyn.
The Sun waxay intaa ku dartay, in Jude uu doortay Real Madrid oo uu rumaysan yahay inay leedahay qaab-ciyaareed ku habboon isaga, isla markaana tahay kooxda uu ku gaadhi karayo hammigiisa ah inuu ku tartamo abaal-marinta Ballon d’Or sannadaha soo socda.
Xagaaga foodda inagu soo haya ee 2023 ayaa la filayaa in Jude Bellingham uu ka tago Borussia Dortmund oo iyaduna dalbnaysa 100 milyan oo Gini, waxaana loo badinayaa inuu ka degi doono Real Madrid.
Borussia Dortmund ayaa sannadkii 2020 waxay £30 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Jede Bellingham kooxda heerka labaad ee Ingiriiska ee Birmginahm City, waxaana 112 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 19 gool iyo 21 kale oo uu caawiye ka noqday.