Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Jose Mourinho Oo Maanta Ka Degay Portugal Xilli Ay Soo Baxayaan Warar Sheegaya In Loo Magacaabayo Tababarihii La Eryey Ee Fernando Santos

by Abdiwahab Ahmed
December 16, 2022
0
Jose Mourinho Oo Maanta Ka Degay Portugal Xilli Ay Soo Baxayaan Warar Sheegaya In Loo Magacaabayo Tababarihii La Eryey Ee Fernando Santos

Jose Mourinho ayaa maanta ka degay waddankiisa Portugal isaga oo qayb ka ah kooxdiisa Roma oo tababar u tagtay garoon ku yaalla dalkaas. Mourinho oo la sheegay in xidhiidhka kubadda cagta Portugal uu doonayo inuu u beddelo Fernando Santos oo Khamiistii is-casilay ayaa garoonka diyaaradaha ee Faro Airport ka degay.

ADVERTISEMENT

Mourinho oo ah tababaraha reer Portugal ee ugu guulaha badan, isla markaana ku guuleystay siddeed horyaal, laba Champions League iyo koobab kale ayaa sida warbaahinta waddanka Portugal sheegayso waxa uu xidhiidhka kubadda cagta dalkiisu u arkaa shaqsiga ugu habboon ee ay tahay inuu hoggaamiyo dalkiisa.

Markii uu garoonka diyaaradaha ka degay ayaa waxa Mourinho uu koraya baska kooxdiisa Roma oo tababar maalmo kooban ah ku qaadan doonta Portugal. Wariyeyaal badan ayaa markiiba kusoo xoomay Jose Mourinho oo aanay hore ula soconin in uu dalkaas imanayo.

Roma ayaa waxay toddobaadka soo socda ku sugnaan doontaa  Portugal oo ay saddex kulan oo saaxiibtinimo ku ciyaari doonto ka hor inta aanay dib ugu laabanin Talyaaniga oo horyaalka Serie A uu sannadka cusub dib uga furmayo.

ADVERTISEMENT

Wargeyska A Bola ayaa sheegay in xidhiidhka kubadda cagta Portugal uu isku dayi doono inuu Mourinho ku qanciyo inuu kansalo qandaraaska uu kula jiro AS Roma oo soconaya illaa sannadka 2024, haddii se ay u suurtogeli weydo waxay u jeedsan doonaan dhinaca Rui Jorge oo ah tababaraha  xulka da’yarta ee Portugal oo lasoo dallacsiinayo.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
ADVERTISEMENT
Share290Tweet182
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.