Jose Mourinho ayaa la sheegay in uu noqonayo tababaraha cusub ee xulka qaranka Brazil ee beddelaya Tite oo is-casilay markii uu dhamaaday Koobkii Adduunka ee Qatar, waxaana uu durba sii xushay Mourinho gacan-yarihiisa oo isaguna u dhashay Portugal.
Xidhiidhka kubadda cagta Brazil oo raacaya talada ciyaartoydii hore ee dalkaas ayaa waxay doonayaan in ay tababare ajanabi ah u magacaabaan xulka, si loo beddelo falsafadda uu dalkaasi ku ciyaaro.
Xulka Brazil oo shan Koob Adduun haysta ayaa wareegga siddeedda kaga hadhay Koobkii Adduunka ee Qatar, waxaana rikoodheyaal ku reebtay Croatia, halka xulka ay xafiiltamaan ee Argentina ay ku guuleysatay koobkan.
Jose Mourinho oo ah tababaraha kooxda kubadda cagta Roma ayaa la sheegay in uu ogolaaday inuu noqdo tababaraha xulka Brazil, laakiin waxa uu dalbaday inuu gacan-yare ama tababare ku-xigeen u noqdo Carlos Alberto oo ahaa geesigii goolka u dhaliyey FC Porto finalkii Champions League ee 2004, xilligaas oo uu Mourinho ahaa tababaraha kooxdaas.
Warbaahinta Mundo GV Podcast ayaa sheegtay in Mourinho uu ka tegi doono kooxdiisa Roma oo heshiiska uu kula jiro uu ka hadhsan yahay sannad iyo badh, isla markaana u wareegayo ciyaaraha caalamiga ah oo uu ka degi doono Brazil.
Tababarahan hore ee Chelsea, Inter Milan iyo Real Madrid oo la fahamsan yahay inuu ka mid yahay tababareyaasha ugu wanaagsan kubadda cagta ayaa hore loola xidhiidhiyey xulka dalkiisa Portugal balse waa uu iska diiday isaga oo ka doorbidaya Brazil.