Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho waxa uu kabaha la dulmaray oo uu weerar culus ku qaaday kooxdiisii hore ee Chelsea kaddib markii ay £87 milyan oo Gini ku iibstay laacibka reer Ukraine ee Mykhaylo Mudryk oo shalay lagu soo bandhigay Stamford Bridge.
Chelsea ayaa waxay Mykhaylo Mudryk ka afduubatay Arsenal oo muddo dheer qarka u saarnayd, iyadoo Shakhtar Donetsk iska diidday dhawr dalab oo uga yimid Arsenal oo ay lacagtoodu hoosaysay.
Tababaraha Graham Potter ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqay saxeexa Mykhaylo Mudryk markii ay saddex ciyaartoy kaga dhaawacmeen hal kulan gudihii, laakiin waxay isweydiin badan ka timid qiimaha 21 jirkan oo 11 gool u dhaliyey Shakhtar Donetsk 19 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dheelay xilli ciyaareedkkan.
Jose Mourinho ayaa xalay weeraray Chelsea markii ay kooxdiisu guul weyn kasoo gaadhay Fiorentina, waxaana uu yidhi: “Anigu ma filayo in ay wax ciyaartooyo ah ii imanayaan. Agaasimaha Tiago Pinto aad ayuu daacad noogu yahay, waana nin toosan, waraysiyadana kuma sheego wax aanu tababaruhu jeclayn. Tabbaareyaasha mar walba waxay doonayaan in loo sheego in lacag badan oloo hayo, in ay ciyaartooy hebel iyo hebel iibsana karaan, in loo dhisayo koox cajiib ah.”
Isag aoo si gaar ah uga hadlaya Mykhaylo Mudryk waxa uu Jose Mourinho yidhi: “Annagu ka hor inta aanaan ciyaartooyo cusub keenin, waxa aanu u baahanahay in aanu xal helno. Annagu €100 milyan kuma iibsan karno Mudryk sidooda oo kale.”