Halyeeyga Chelsea John Terry ayaa heeso la qaaday taageerayaasha Blues ka dib markii uu ku dhex dhuuntay taageerayaasha martida ee garoonka Anfield.
Terry ayaa ciyaartii Chelsea ay barbaraha goolal la’aanta la gashay Liverpool ku dhex daawaday taageerayaasha Blues ee garoonka joogay.
Kabtankii hore ee Chelsea ayaa wajiga iyo afkaba dabooshay ka hor inta uusan dhex gelin taageerayaasha.
Jamaahiirta Blues ee uu ku dhex jiray ma aysan dareemin ilaa iyo markii uu iskashifay.
Terry ayaana ku faraxsanaa inuu qeyb ka noqdo taageerayaasha Chelsea ee u soo safray Anfield kulankii shalay.
Taageerayaasha ayaa bilaabay inay ku heesaan magaca daafacoodii hore halka uu isna Terry uu ku biiray isagoo la boodbooday taageerayaasha.
Qeyb ka mid ah muuqaalka isagoo la heysa taageerayaasha ayuu soo dhigay barahiisa bulshada, wuxuuna soo raaciyay qoraal u dhignaa sida tan:
“Alla maxay maalin aheyd, khibrad fiican ayaan la qaatay taageerayaasheena soo safray💙.”
Qoraal kale wuxuu ku yiri: “Waan jecleystay inaan ka mid noqdo taageerayaasheenii soo safray, marka aad ciyaaryahan tahay waxaad ku imaaneysaa bas waxaadna toos u galeysa qolka labiska, ma arkeysid dareenka taageerayaasha, markii aan ciyaaraha ka fariistay waxaan doonayay inaan qeyb ka noqdo taageerayeena safra, waana jecleystay.”