Weeraryahanka kooxda Tottenham iyo xulka Brazil ee Richarlison ayaa sheegay inuu raacayo wadadii halyeeyga dalkiisa ee Ronaldinho marka uu kubadda cagta ka fadhiisto.
Si lamid ah sidii uu sameeyay Ronaldinho, Richarlison ayaa ku kaftamay in marka uu ciyaaraha ka dhammaado uu iibsan doono jasiirad weyn oo uu halkaas la degi doono dumar badan.
Brazil ayaa koobka aduunka ka bilaabanaysa Qatar iyadoo ah mid kamida xulalka ugu cad cad inay koobka la laabtaan isla markaana haatan booska koowaad kaga jira qiimaynta qaramada ee FIFA.
Selecao oo kulanka koowaad la balansan Serbia oo ah xul aan qudhiisu hawl yarayn ayaa sidoo kale Group-ka la wadaaga Cameroon iyo Switzerland.
Richarlison ayaa la filayo inuu noqdo No.9-ka dookha koowaad ee Brazil oo uu kasoo hormaro Gabriel Jesus iyo Pedro.
Kahor bilaabashada tartankooda Qatar, Richarlison ayaa waraysi siiyay muuqbaahiye Brazilian ah iyadoo la weydiiyay haddii uu qorshaystay waxa uu samayn doono marka uu kubadda cagta ka huleelo.
“Miyaad haysaa wax aragti ah oo waxa aad samayn doonto ah markaad kubadda ka fadhiisato?” kaddib Richarlison ayaa ku jawaabay “Waxaan iibsanayaa jasiirad kaddib halkaas ayaan la joogi doonaa dumar badan sida sawirkii Ronaldinho”.
Ronaldinho ayaa lagu xasuustaa inuu jasiirad iibsaday kaddib dumar badan la degay markii uu kubadda cagta macsalaameeyay.