Xulkii kibir iyo isla weynida la yimid Qatar ee Germany ayaa caawa boorsooyinkooda loo xirxiray ka dib markii la xaqiijiyay inay ku hareen wareega guruubyada inkastoo ay 4-2 ku dubteen xulka Costa Rica oo isna haray.
Jarmalka ayaa u baahnaa natiijo weyn uu ka gaaro Costa Rica iyo in Spain ay ka badiso Japan, way u suurtogashay inay ka badiyaan Costa Rica laakiin Japan ay dharbaaxo la dhacday Isbaanishka iyagoo 2-1 uga badiyay.
Xulka Japan ayaa kaalinta koowaad uga soo baxay Group E ka dib markii ay 2-1 ku suuldaareen xulka Spain oo kaalinta labaad ku soo baxday.
Alvaro Morata ayaa hogaanka u dhiibay Spain qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay goolkaas ay hogaanka ku heysay La Roja laakiin bilowgii qeybta labaad ayay Japan heleen goolka barbaraha markii darbo uu goolka ku tuuray Doan uu celin waayay goolhayaha Isbaanishka iyadoo kubada ay shabaqa ku nasatay.
Seddex daqiiqo ka dib, Japan ayaa tiri ka rog oo labo saar iyagoo dhaliyay goolkoodii labaad oo uu u saxiixay Tanaka, markii hore goolka waxaa loo diiday inuu offside ahaa laakiin VAR oo dib eegis ku sameysay ayaa goolka ansixisay.
Natiijadaan waxay ka dhigtay in Japan ay lix dhibcood uruursatay ka dib guulo ay ka gaareen Spain iyo Germany, halka Spain ay ku soo baxday kaalinta labaad iyagoo leh 4 dhibcood iyo farqi goolal oo 6 gool ah.
Spain waxaa caawisay xasuuqii Costa Rica ay u geysteen bilowgii Koobka Adduunka, waana sababta kaliya ee ay ku soo baxeen caawa.
Dhanka kale Jarmalka ayaa rajo qabay qeybtii hore ee ciyaarta markii uu hogaanka u dhiibay Serge Gnabry laakiin waxaa barbareeyay daqiiqadii 58aad Tejeda oo ciyaarta 1-1 ka dhigay.
Costa Rica ayaa mooday inay soo baxayaan markii ay hogaanka u qabteen ciyaarta oo uu shabaqa u soo taabtay daqiiqadii 70aad Vargas, laakiin dabaaldegooda ma uusan waarin oo Kai Havertz ayaa Germany u barbareeyay seddex daqiiqo ka dib.
Kai Havertz ayaa hogaanka ku soo celiyay Germany daqiiqadii 85aad isagoo ciyaarta ka dhigay 3-2, waxayna Jarmalka heleen gool afaraad oo ay guusha ku sii xaqiijisteen iyadoo uu u saxiixay Füllkrug, laakiin Jarmalka guusha waxba uma tarin madaama ay caawin uga baahnaayeen Spain.
Jarmalka waxay Qatar ka tagayaan iyagoo ku haray wareega guruubyada markii labaad oo isku xigta.
Dhanka kale Japan waxay wareega xiga ee 16ka la ciyaari doontaa xulka Croatia oo kaalinta labaad uga soo baxay Group F halka Spain ay isku dhici doonaan xulka Morocco oo kaalinta koowaad ka soo galay Group F.