Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Jamie Carragher Oo Saadaaliyey Kulanka England vs France – Midkee Ayuu Guusha Siiyey

by Abdiwahab Ahmed
December 8, 2022
0
Jamie Carragher Oo Saadaaliyey Kulanka England vs France – Midkee Ayuu Guusha Siiyey

Halyeyga xulka qaranka England ee Jamie Carragher ayaa qirtay inuu u baqayo Ingiriiska kulanka Sabtida ee France ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka. Jamie Carragher ayaa sidoo kale saadaaliyey natiijada ay ku dhamaan doonto ciyaartan aadka loo sugayo.

ADVERTISEMENT

England ayaa waxay wareegga siddeedda ku dhacday xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee France, waxaanay ciyaartani tahay midda ugu hadal-haynta badan ee ay dunidu indhaha ku hayso, sababtoo ah England oo ku guuleysata wax koob ah waxa ugu dambaysay 1966kii oo ay Koobka Adduunka qaadeen, halk Faransiisku uu 24kii sannadood ee ugu dambeeyey laba jeer ku guuleystay Koobka Adduunka.

Jamie Carragher oo waray siiyey wargeyska Daily Telegraph ayaa saadaaliyey natiijada ay ku dhamaan doonto ciyaarta England vs France, waxaana uu qirtay in uu sii niyad-jabay oo uu guusha siiyey Faransiiska inkasta oo aanu haddana rajada lumin.

“Qalbigayga iyo maskaxdayduba waxay igu leeyihiin France ayaa soo baxaysa, sababtoo ah woxoogaa ayay ka awood badan yihiin England. Waxay haystaan Kylian Mbappe. Haddii uu isagu maqnaado se, England ayaa soo bixi doonta.” Ayuu yidhi Jamie Carragher.

ADVERTISEMENT

Xulka qaranka France oo tababarkii Salaasadii uu ka maqnaa Kylian Mbappe oo la sheegay inuu ka cabanayay dhaawac ayay saxaafadda Ingiriisku aad u hadal haysay oo ay ku sheegtay war u fiican Ingiriiska, balse shalay ayaa uu dib ugu soo laabtay tababarka oo sidoo kalena maanta oo Khamiis ah iyo Jimcaha uu la qaadan doono ciyaartoyda xulkiisa, ka hor inta aanay Sabtida kulmin England.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Dhinaca kale, England ayaa waxa tababarkoodii shalay ka maqnaaday Decland Rice oo la sheegay in uu xanuunsanayo iyo Callum Wilson oo dhaawac ah, balse warka ka farxiyey Gareth Southgate ayaa waxa uu yahay in uu dib ugu soo laabtay Raheem Sterling oo ciyaartii hore ee Senegal ka maqnaaday markii uu u duulay London oo budhcad hubaysan ay gurigiisa ugu soo dhacday xaaskiisa iyo carruurtiisa.

ADVERTISEMENT
Share293Tweet183
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.