Taageerayaasha Manchester United ayaa ku heesay in Frank Lampard uu yahay qoomu-luud intii ay socotay kulankii FA Cup ee ay ka badiyeen Everton.
Kooxda Frank Lampard ee Everton ayaa booqatay garoonka Old Trafford wareega 3aad ee FA Cup iyadoo Red Devils ay ku badisay 3-1 islamarkaana u gudubtay wareega afaraad ee 16ka kooxood.
Laakiin intii ay socotay ciyaarta qeybta labaad, taageerayaasha Man United ayaa bilaabay inay ku heesaan “Chelsea rent boy” oo ah jumlad dadban oo loola jeedo “qoomuluudkii Chelsea ee la kireysto” iyadoo sannad ka hor ay boliiska Ingariiska sheegeen inay danbi tahay in sidaas lagu heeso.
Jumladaan waxay caan baxday 1980meeyadii markii mid ka mid ah taageerayaashii ugu xagjirsanaa ee Chelsea oo ka tirsanaa sidoo kale xisbiga garabka midig lagu qabtay isagoo la jiifa qoomuluud la kireysto. Wixii markaas ka danbeeyay taageerayaasha ka soo horjeeda Chelsea ayaa ku heesayay ereyadaan.
Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaana sheegay in haddii ay taageerayaasha ku heesaan ereyadaan inay kooxdooda u ganaaxi doonaan inay ku kacday ficil la mid ah kan cunsuriyada.
Taageerayaasha Manchester United ayaa sidoo kale ku heesayay: “Lampard waxaa lagu ceyrin doonaa berri subax” madaama tababaraha Everton uu qarka u saaran yahay in laga ceyriyo kooxda.
Lampard ayaa ku jira xaalada xun madaama Everton ay fadhiso kaalinta 18aad ee Premier League oo ah booska looga haro horyaalka halka ay sidoo kale xalay ka hareen FA Cup ka dib guuldaradii ka soo gaartay Manchester United.