Garabka weerar ee kooxda Manchester City ee Jack Grealish ayaa ka warramay arrintii lama filaanka ku noqotay kulankii ay xalay guusha 1-0 ah kasoo gaadheen Chelsea oo ay Stamford Bridge ugu tageen.
Riyad Mahrez ayaa goolka kaliya ee lagu kala baxay ka dhaliyay ciyaartaas xilli Man City ay guushii saddexaad ee xidhiidh ah ku gaadhay Stamford Bridge.
Tababare Pep Guardiola ayaa bedelo badan sameeyay kahor inta aysan Grealish iyo Mahrez oo labaduba bedel ku yimid isu dhiibin goolka.
Arrinta hadal haynta badan dhalisay markii goolkaasi dhashay ayaa ahayd difaacashada Chelsea gaar ahaan goolhaye Kepa Arrizabalaga oo u muuqday mid kubadda gaadhi karayay kahor inta aysan Mahrez gaadhin balse ka gaabiyay.
Grealish ayaa sheegay inay wada hadleen Mahrez ciyaarta kaddib oo ay islahaayeen kubadda waxa idinka dhex gali doona goolhaye Kepa balse aysan dhicin.
“Waa wax lagu qoslo, Riyad ayaa hadda aniga igu lahaa ana isaga ayaan ku lahaa inaan islahaa goolhayaha ayaa kubadda qabsanaya, waxaan filayaa inay kubaddu isaga aad ugu dhawayd laakiin….”