Xiddiga xulka qaranka England ee Jack Grealish ayaa qirtay inuu aad uga cadhooday Jude Bellingham oo ay xulka Ingiriiska u wada ciyaaraan, kaddib hadal uu ku yidhi markii uu dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee Koobka Adduunka.
Jack Grealish oo waraysi siiyey BBC Sports ayaa wax laga weydiiyey goolkiisii koowaad ee Koobka Adduunka ee uu dhaliyo, waxaana uu ku sheegay inay ahayd marxalad aanu waligii illoobi doonin ciyaartii ay 6-2 ku karbaasheen Iran ee uu isaguna shabaqa soo taabtay.
27 jirkan ayaa dhamaystiray kubbad uu ka helay Callum Wilson oo muhanninimo muujiyey isla markaana kubadda u dhigay meel cidlo ah oo uu kaliya Grealish u baahnaa in shabaqa cidlada ah uu ku leexiyo.
Jude Bellingham ayaa se ka cadhaysiiyey Jack Grealish oo dabbaal-degaya, waxaana isaga oo ka sheekaynaya sidii ay wax u dhaceen uu Jack yidhi: “Isla markii aan goolka dhaliyey, Jude ayaa ii yimid, wuu igu soo booday, waxaanu igu yidhi, ‘waxa aad ku jirtay offside.'”
“Aniguna waxaan idhi ‘maya’, dib ayaan uga baxay sababtoo ah waxa aan u maleeyey in uu isagu ogaaday.”
Jack Grealish oo dhamaan kulamadii Koobka Adduunka kusoo bilowday kursiga kaydka balse beddel ku yimid ciyaar walba, ayaa raadinaya ciyaartiisii koowaad ee uu kusoo bilowdo, balse taasi macquul ma aha sababtoo ah waxa aanu booska kala bixi karayn Jude Bellingham, Declan Rice, Phil Foden, Bukayo Saka iyo Harry Kane. Sidoo kale, waxa xulashada kaga horreeya Marcus Rashford.
Si kastaba, xulka qaranka England ayaa hadda isku diyaarinaya ciyaarta adaga ee Sabtida ee ay foodda is-dari doonaan France oo ay wareegga siddeedda isku dhaceen.