Garabka kooxda Man City ee Jack Grealish ayaa daboolka ka qaaday dareenkii qolka labiska kooxdiisa ee kulankii xalay ee Tottenham ay guusha soo laabashada ah ka gaadheen.
Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa 2-0 lagu hoggaaminayay wakhtigii nasashada balse goolal ka yimid Julian Alvarez, Erling Haaland iyo Riyad Mahrez (2) ayay ku gaadheen guul soo laabasho cajiib ah.
Grealish ayaa sheegay inay qaybtii horewaxkasta si wanaagsan u sameeyeen balse kaliya goolasha laga dhaliyay halka uu sheegay in qolka labiska kooxdiisa markii la isku soo noqday wakhtigii nasashada in mudo ah la aamusnaa oo aysan cidna hadal.
“Waxaan filayay inaanu dhab ahaan waxkasta si wanaagsan u samaynay qaybtii hore, waxaanu helnay fursado iyaga ka wanaagsan balse si lamid ah toddobaadkii hore gool ayaa nalaga dhaliyay” ayuu yidhi Jack oo Sky Sports la hadlayay.
“Sida cad ma uusan ahayn qolka labisku sidii ugu fiicnayd wakhtigii nasashada, mudo ayuu ahaa mid aamusan”
“Anigu kamaan fikirayn miiska horyaalka kaliya waxaan ka fikirayay kulanka, tan iyo markii aan halkan imid labadii kulanba way iga badiyeen Tottenham, Riyad ayaa ahaa mid cajiib ah oo na caawiyay”.