Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Iyagaa Ugu Liitay” – Arsene Wenger Oo Dhulka Jiid-jiiday Ciyaartoyda Qowmu-luudka Uga Ololaynayay Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
December 5, 2022
0
“Iyagaa Ugu Liitay” – Arsene Wenger Oo Dhulka Jiid-jiiday Ciyaartoyda Qowmu-luudka Uga Ololaynayay Koobka Adduunka

Arsene Wenger ayaa weerar ku qaaday xulalka iyo ciyaartoyda ku mashquulay arrimaha siyaasadda ee u ololaynayay qowmu-luudka iyo khaniisiinta, waxaana uu sheegay inay yihiin kuwa ugu liita ee waliba ku fashilmay Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Qatar oo sannadkii 2010 loo doortay martigelinta Koobka Adduunka ayaa waxa weerar ku qaaday saxaafadda, siyaasiyiinta iyo xataa qaar  ka  mid ah ciyaartoyda reer Galbeedka, kuwaas oo isku dayaya inay waxyeelleeyaan dhaqanka suubban ee seeska ay u tahay Diinta Islaamka ee shacabka reer Qatar.

Kabtannada xulalka waaweyn ee Yurub ayaa waxay hore u shaaciyeen in ay xidhanayaan calaamadda Khaniisiinta oo ay u ololayn doonaan, balse FIFA yaa sheegtay inay ganaaxayso ciyaartoyga sidaa sameeya. Waxa ciyaartoydaas ku jiray kabtanka England ee Harry Kane, kabtanka xulka Germany ee Manuel Neuer, kabtanka Denmark iyo kuwo kale.

Ciyaartoyda xulka qaranka Germany ayaa kulankoodii koowaad ee Koobka Adduunka afka qabsaday iyaga oo diiddan go’aanka FIFA, waxaase ku habsatay guul-darro uu xulka Japan u xambaariyey oo ay isla kulankaas iyaga oo murugaysan ka baxeen garoonka. Ciyaartii xigtayna waxa barbarro ku qabatay Spain, halka kulankii ugu dambeeyey oo kaliya ay ka adkaadeen Costa Rica balse ay wareeggii koowaad si waji gabax ah ugaga hadheen Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Kabtanka xulka England ee Harry Kane ayay isagana ku dhacday abaar dhinaca goolasha ah, waxaana uu goolkiisii koowaad ee Koobka Adduunka dhaliyey xalay, taas oo meesha ka saaraysa hammigiisii ahaa inuu markii labaad ee xidhiidh ah ku tartamo kabta  dahabka ah ee Koobka Adduunka  ee uu ku guuleystay 2018.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

Tababarihii hore e eArsenal oo FIFA u qaabbilsan horumarinta kubadda cagta ayaa sheegay in ciyaartoyda iyo xulalkii ku mashquulay siyaasadda iyo u ololaynta khaniisiintu, in ay ka liitaan ciyaartoyda kale ee Koobka Adduunka, waxaanu yidhi: “Kooxaha bandhigga niyad-jabka ah la yimid kulankoodii koowaad ee Koobka Adduunka, waa kuwii u ololaynayay siyaasadda…. Marka aad tagto Koobka Adduunka, ma aha in aad guul-darraysato ciyaarta koowaad sababtoo ah waxa aad tahay xul khibrad u leh oo natiijooyin ka keenay tartamo hore, sida France, England iyo Brazil.

“Si fiican ayay u ciyaareen kulankoodii koowaad. Waxay ahaayeen kooxo si fiican u diyaarsan maskax ahaan oo yoolkoodu yahay kaliya tartanka, balse aan siyaasad soo bandhigayn.”

Wenger oo u muuqanayay inuu u duur-xulayo Jarmalka ayaa yidhi: “Kooxaha siyaasadda gudbinayay, iyaga ayaa noqday kuwa ugu liitay tartanka Koobka Adduunka.”

ADVERTISEMENT
Share533Tweet333
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.