Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Iska Illow Salah, Mane, Lewandowski & Van Dijk: Jurgen Klopp Oo Magacaabay Xiddiga Kaliya Ee Uu Sawir Kula Galay Telefoonkiisa

by Abdiwahab Ahmed
December 24, 2022
0
“In Horyaalka Nalaga Qaaday Kaliya Waxay Xoojinaysaa….” – Jurgen Klopp Oo Farriin Adag Usii Diray Real Madrid Kahor Finalka CL

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey inuu waligii hal ciyaartoy oo kaliya telefoonkiisa kula galay sawir selfie ah, mana aha ciyaartoyda kooxdiisa ee Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo kuwii uu hore usoo layliyey ee Robert Lewandowski iyo Sadio Mane.

ADVERTISEMENT

Jurgen Klopp ayaa soo layliyey kooxaha Liverpool oo sannadkiisii toddobaad ku sugan yahay, Borussia Dortmund oo uu toddoba sannadood kusoo qaatay iyo naadiyada Mainz iyo Mets ee horyaalka waddanka  Germany ee Bundesliga.

Xiddigo waaweyn ayaa uu soo layliyey muddadaas, hase yeeshee midkoodna telefoonkiisa kulama aanu gelin sawir uu isagu qaaday oo selfie ah, balse waxa jira hal ciyaartoy oo kale oo uu sawir kula galay telefoonkiisa isla markaana uu haysto.

Klopp oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay munaasibad casho ahayd oo ay samaysay jimciyadda Liverpool ayaa waxa la su’aalay haddii ay jiraan ciyaartooyo uu telefoonkiisa sawirro kula galay, waxaanu ku jawaabay: “Hal sawir oo kaliya oo selfie ah ayaa ku jira telefoonkayga, kaasina waa Messi. Ronaldo ayaa sidoo kale qolka ku jira…”

Klopp ayaa dhinaca kale qirtay in uu taageere u yahay Lionel Messi, waxaana mar la weydiiyey midka wanaagsan labadan ciyaartoy sannadkii 2020 uu ku jawaabay: “Aniga ahaan Messi ayaa wanaagsan, laakiin sidoo kale lama dhacsani in ka badan intii aan horeba ula dhacsanaa Ronaldo.

Si kastaba, Lionel Messi ayaa Axaddii waxa uu xulkiisa Argentina u qaaday Koobka Adduunka, waana hammigiisii ugu weynaa iyo koobkii kali ahaa  ee ka dhinaa waayihiisa ciyaareed ee uu raadinayay, taas ayaana soo afjaraysa dooddii u dhaxaysay isaga iyo Ronaldo, maadaama aanu laacibka reer Portugal koobkan nasiib u yeelanin.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
Share304Tweet190
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.