Khabiirka kubadda cagta ee Paul Merson ayaa rumaysan in Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo aanay hadda ahayn kuwa ugu fiican kubadda cagta dunida, sidoo kalena Karim Benzema oo ah xiddiga adduunka ee sannadkan ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, in uu jiro ciyaartoy kale oo ka horreeya.
Karim Benzema ayaa xilli ciyaareedkii hore bandhig heersare ah oo uu sameeyey waxa uu kooxdiisa Real Madrid ugu qaaday Champions League, LaLiga, UEFA Super Cup iyo Spanish Super Cup, waana sababta uu ku helay abaal-marinta Ballon d’Or, hase yeeshee waxa uu dhaawac kaga maqan yahay Koobka Adduunka.
Lionel Messi oo isaguna xilli ciyaareedkii hore liitay ayaa sannadkan aad u fiican, waxaana uu taariikh cusub ka sameeyey horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 oo uu ka noqday ciyaartoyga caawintii ugu badnayd kaga sameeyey kulamadii ugu yaraa. Waxa uu sidoo kale hoggaaminayaa xulka qarankiisa Argentina ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka oo uu ciyaartii Sucuudiga rikoodhe u dhaliyey, inkasta oo laga badiyey dalkiisa.
Sidoo kale, Cristiano Ronaldo oo xilli ciyaareedkan kursiga kaydka Manchester United ku jiray ayaa rikoodhe u dhaliyey Portugal ciyaartii Ghana ay guusha 3-2 ah ka gaadheen.
Khabiirka ciyaaraha ee Paul Merson oo la weydiiyey ciyaartoyga ugu wanaagsan kubadda cagta waqtigan, ayaa iska indho tiray saddexdan ciyaartoy ee sare ku xusan, waxaanu yidhi: “Mbappe ayaa ah ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida waqtigan. Waxa uu leeyahay wax walba, waaban rumaysan kari la’ahay. Ciyaartoyda wuu garaaci karayaa oo wuu ka dhalin karayaa, waxa uu samayn karayaa kubbado karoos ah, wuu madaxayn karayaa, waanu baasi karayaa –
“Anigu ma garanayo wax aanu samayn karayn. Haddii uu sii wado inuu u ciyaaro sidan, Faransiisku meel fog ayay gaadhi doonaan.”