Halyeyga reer France ee Patrice Evra ayaa iska indho tiray Kylian Mbappe mar la weydiiyey inuu magacaabo labada ciyaartoy ee ugu wanaagsan xulka qaranka dalkiisa ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar.
Kylian Mbappe oo ay dad badan ku tilmaamaan inuu yahay xiddiga ugu wanaagsan iyo hoggaamiyaha xulka qaranka France ayaa dhaliyey saddex gool, waxaana uu sii wadaa rikoodhkiisa gool-dhalinta isaga oo 62 ciyaarood oo uu u saftay France u saxeexay 31 gool.
Patrice Evra oo mar ahaa kabtanka xulka qaranka France iyo sidoo kale Manchester United ayaa rumaysan in 23 jirkan laga wanaagsan yahay marka laga eego bandhig ciyaareedka xiddigaha xulka qaranka dalkaas ee saddexdii kulan ee ugu horreeyey koobka Adduunka.
Evra oo saxaafadda la hadlayay ayaa la weydiiyey labada ciyaartoy ee ugu wanaagsan xulka Faransiiska ee ku sugan Qatar, waxaanu ku jawaabay: “Ousmane Dembele ayaa ka shaqo badan Mbappe. Dembele waxa uu burburinayaa difaac kasta, aniga aragtidaydana waa ciyaartoyga ugu wanaagsan xulka Faransiiska ee Koobka Adduunka illaa hadda.
“Waxa kale oo aan la dhacsanahay Antoine Griezmann. Waa ciyaartoy fure ah. Laakiin Dembele ayaa khatar ah daqiiqad kasta. Mar kasta oo uu kubadda helo, waxa uu khatar gelinayaa kooxda kasoo horjeedda. Waxa aan rajaynayaa inuu taam ahaado, sababtoo ah waa ciyaartoyga sameeya khatarta ugu badan ee Faransiiska.”
Faransiiska oo difaacanaya Koobka Adduunka ee ay ku guuleysteen sannadkii 2018, ayaa haddii ay sannadkanna ku guuleysteen waxay noqon doonaan dalkii ugu horreeyey ee laba jeer oo isku xigta ku guuleysta Koobka Adduunka tan iyo sannadkii 1962kii oo ay Brazil laba jeer oo isku xiga qaadday.