Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaartoyga ugu mushaharka badan guud ahaan isboortiga kala duwan, waligeedna ma soo marin ciyaartoy la mushahar ah ama xataa kusoo dhow, kaddib markii uu heshiis waalli ah ugu wareegay kooxda Sucuudiga ee Al Nassr.
37 jirkan reer Portugal ayaa qalinka ku duugay heshiis laba sannadood iyo badh ah, waxaana uu sannad kasta qaadanayaa £173 milyan oo Gini, taas oo laba-jibbaar iyo dheeraad ka badana mushahrka ciyaartoyda kala duwan ee dunida.
Mushaharkiisa asalka ah ee sannadkii waxa uu Ronaldo noqonayaa £62 milyan oo Gini, laakiin waxa u raacsan lacago kale oo tiro badan oo isugu jira xayaysiisyo iyo gunnooyin oo lacagta sannadkii qasnaddiisa kusoo dhacaysa ka dhigaysa £173 milyan oo Gini.
Arrinta lala yaabban yahay ayaa waxay tahay, in heshiisyada xayaysiismaha iyo wax kasta oo laacibkan uu xoogsanayo ay ku jiraan heshiiska uu la galay Al Nassr, iyadoo sidoo kalena ay jiraan heshiisyo uu kula jiro shirkado kale oo markiisii horeba uu lacago badan ka heli jiray oo aanu qandaraaskiisa hadda wax saamayn ah ku yeelan doonin.
Wargeyska Forbes ee dhaqaalaha wax ka qora ayaa warbixintiisii sannadkan 2022 waxa uu ku sheegay, in feedhyahanka Maraykankaa ah ee Cancelo Alvarez uu ahaa midka lacagtii ugu badnayd usoo hoyatay, waxaanay ahayd £70 milyan oo Gini.
Ronaldo ayaa hadda £103 milyan oo Gini ka badnaanaya feedhyahankan, halka xiddigihii kubadda cagta ee la tartamayayna uu boodhka ku qasay.
Lionel Messi oo ay xafiiltamaan Cristiano Ronaldo ayaa sannadkii u xaadira £62 milyan oo Gini, waxaana uu Ronaldo ka hooseeyaa £111 milyan oo Gini, waxaana uu Messi yahay ciyaartoyga saddexaad ee dunida ciyaaraha lacagta ugu badan usoo hoyato.
Waxa kusii xiga Neymar oo £58 milyan qaata, waxaana shanaad iyo lixaad kala fadhiya Matthew Stafford iyo Josh Allen oo kubadda cagta Maraykanka (NFL) ciyaara, kuwaas oo qaata lacago gaadhaya £58 milyan oo Gini iyo £52 milyan oo Gini, sida ay u kala horreeyaan.
Feedhyahanka miisaanka cusulus ee Tyson Furry ayaa sannadkan 2022 helay lacag gaadhaysa £50 milyan oo Gini, halka Aaron Rodgers oo NFL ka tirsan uu dakhligiisu ahaa £47 milyan oo Gini, waxaanay isku mid ahaayeen xiddiga Formula 1 ee Lewis Hamilton.
Waa kuwan tobanka ciyaartoy ee lacagta ugu badan ka helaya ciyaaraha: