Kaddib markii ay Arsenal si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la saxeexatay laacibka boosaska badan ka ciyaara ee Leandro Trossard, waxa uu isbeddel ku yimid liiska mushaharka ciyaartoyda kooxdaas oo uu meel dhexe kaga dhacay xiddiga reer Belgium.
28 jirkan oo maanta lagu soo dhoweeyey garoonka tababarka Arsenal ayaa saxeexay heshiis afar sannadood ah oo uu ku ladhan yahay mid shanaad oo dookh ah oo awoodda kordhintiisa siinaya Arsenal.
Arsenal ayaa waxay bixisay lacag dhan £21 milyan oo Gini oo kaash ah iyo lacag kale oo tiradeedu tahay £6 milyan oo Gini oo ku xidhnaan doonta bandhigga ciyaareed ee laacibkan.
Kooxda tababare Mikel Arteta si rasmi ah uma aanay shaacin mushaharka uu qaadan doono Trossard, hase yeeshee warbaahinta Ingiriiska ayaa helay xogta heshiiska ciyaartoygan iyo Arsenal gaar ahaan qodobka caddaynaya mushaharka iyo gunnooyinka uu Trossard qaadan doono.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Leandro Trossard ayaa waxa uu toddobaadkii mushahar u qaadan doonaa £90,000 Gini, waxaana uu ka sarrayn doonaa dersin ciyaartoyda kooxda oo ah ku jiraan Bukayo Saka, Gabriel Magalhaes, Gabriel Martinelli, Aaron Ramsdale iyo Marquinhos.
Siddeed ciyaartoy oo kaliya oo Arsenal ah ayaa ka mushahar badan Leandro Trossard, waxaana kaalinta koowaad ku jira Gabriel Jesus oo toddobaadkii u xaadira £275,000 Gini, waana ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxda oo dhan.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Ghana ee Thomas Partey ayaa ah laacibka labaad ee ugu mushaharka badan, waxaana uu qaataa £200,000 Gini usbuucii, halka Oleksandr Zinchenko uu isaguna ku jiro saddexaad oo uu £150,000 Gini qaato.
Halkan kaga bogo mushaharka ciyaartoyda Arsenal iyo booska uu kaga jiro Leandro Trossard
Reiss Nelson – £15,000-toddobaadkii
Marquinhos – £30,000-toddobaadkii
Emile Smith Rowe – £40,000-toddobaadkii
Matt Turner – £35,000-toddobaadkii
William Saliba – £40,000-toddobaadkii
Rob Holding – £40,000-toddobaadkii
Fabio Vieira – £45,000-toddobaadkii
Gabriel – £50,000-toddobaadkii
Albert Lokonga – £50,000-toddobaadkii
Mohamed Elneny – £55,000-toddobaadkii
Takehiro Tomiyasu – £55,000-toddobaadkii
Aaron Ramsdale – £60,000-toddobaadkii
Bukayo Saka – £70,000-toddobaadkii
Cedric Soares – £75,000-toddobaadkii
Gabriel Martinelli – £90,000-toddobaadkii
Leandro Trossard – £90,000-toddobaadkii
Edward Nketiah – £100,000-toddobaadkii
Kieran Tierney – £110,000-toddobaadkii
Martin Odegaard – £115,000-toddobaadkii
Granit Xhaka – £120,000-toddobaadkii
Ben White – £120,000-toddobaadkii
Oleksandr Zinchenko – £150,000-toddobaadkii
Thomas Partey – £200,000-toddobaadkii
Gabriel Jesus – £265,000-toddobaadkii