Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

ISBARBAR-DHIG: Min LIXDA Ciyaarood Ee Premier League Ugu Soo Horreeya Ee Arsenal, City, Newcastle, United, Liverpool & Chelsea Oo La Isbarbar-dhigay – Midkee Ayay Kulamo Adag Sugayaan?

by Abdiwahab Ahmed
January 5, 2023
1
ISBARBAR-DHIG: Min LIXDA Ciyaarood Ee Premier League Ugu Soo Horreeya Ee Arsenal, City, Newcastle, United, Liverpool & Chelsea Oo La Isbarbar-dhigay – Midkee Ayay Kulamo Adag Sugayaan?

Min saddex ciyaarood ayaa la dheelay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League tan iyo markii laga soo laabtay fasaxii Koobka Adduunka, waxaana tirada dhamaystiraya ciyaarta adag ee Manchester City iyo Chelsea ee caawa, taas oo ah midda ugu dambaysa ee lagu gelayo usbuuca laga nafisayo horyaalka ee loo jeedsanayo dhinaca FA Cup.

ADVERTISEMENT

Kooxda Manchester United ayaa ah naadiga kaliya ee kooxaha waaweyn guuleystay saddexdii ciyaarood ee ka dambeeyey Koobkii Adduunka, waxaana la garaacay Liverpool, Tottenham iyo Chelsea, halka barbarro lagu celiyey Arsenal iyo Manchester City.

Erik ten Hag  ayay kooxdiisu muujinaysaa awood heersare ah iyo inay si fiican iskula  jaan-qaadday, laakiin Newcastle United ayaa taako u dhigtay kooxdii la celin la’aa ee Arsenal oo ay Emirates jilbaha isku dhigteen kulan aan wax gool ah la iska dhalin.

Manchester City waxay eersatay Everton oo dhibic ka boobtay ciyaartii usbuucan horraantiisa ee Goodison Park, halka Liverpool ay dardartay Brentford oo saddex gool iyo hal ku carraabisay, soona afjartay afar guulood oo xidhiidh ahaa oo Jurgen Klopp ay kooxdiisu ka  keentay horyaalka Premier League.

ADVERTISEMENT

Tottenham ayaa mar  kaliya siibatay, waxaana iskugu xigay barbarro ay la gashay Brentford iyo guul-darro weyn oo ay usoo xambaarisay Brighton, halka Chelsea ay Nottingham Forest suul-daaro u dhigtay.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa isbarbar-dhigga min lixda ciyaarood  ee ugu soo horreeya ee kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League ee ku dagaallamaya kaalmaha sare, adiga ayaananu akhriste kuu dhaafaynaa qiimaynta naadiga ay kulamada adag kusoo beegan yihiin. Falcelintaadana waxa aad nagula wadaagtaa halka hoose ee farriinta akhristaha.

Arsenal – 1aad (44 dhibcood)

  • Tottenham Hotspur (Marti) – January 15
  • Manchester United (Minan) – January 22
  • Everton (Marti) – February 4
  • Brentford (Minan) – February 11
  • Manchester City (Minan) – February 15
  • Aston Villa (Marti) – February 18

Manchester City – 2aad (36 dhibcood)

  • Chelsea (Marti) – January 5
  • Manchester United (Marti) – January 14
  • Tottenham Hotspur (Minan) – January 19
  • Wolves (Minan) – January 22
  • Tottenham Hotspur (Marti) – February 5
  • Aston Villa (Minan) – February 12

Newcastle United – 3aad (35 dhibcood)

  • Fulham (Minan) – January 15
  • Crystal Palace (Marti) – January 21
  • West Ham United (Minan) – February 4
  • Bournemouth (Marti) – February 11
  • Liverpool (Minan) – February 18
  • Brighton (Minan) – February 25

Manchester United – 4aad (35 dhibcood)

  • Manchester City (Minan) – January 14
  • Arsenal (Marti) – January 22
  • Crystal Palace (Minan) – February 4
  • Leeds United (Marti) – February 12
  • Leicester City (Minan) – February 19
  • Brentford (Minan) – February 26

Tottenham Hotspur – 5aad (33 dhibcood)

  • Arsenal (Minan) – January 15
  • Manchester City (Marti) – January 19
  • Fulham (Marti) – January 23
  • Manchester City (Minan) – February 5
  • Leicester City (Marti) – February 11
  • West Ham (Marti) – February 19

Liverpool – 6aad (28 dhibcood)

  • Brighton & Hove Albion (Marti) – January 14
  • Chelsea (Minan) – January 21
  • Wolves (Marti) – February 4
  • Everton (Minan) – February 13
  • Newcastle United (Marti) – February 18
  • Crystal Palace (Marti) – February 25

Chelsea – 10aad (25 dhibcood)

  • Manchester City (Minan) – January 5
  • Fulham (Marti) – January 12
  • Crystal Palace (Minan) – January 15
  • Liverpool (Marti) – January 21
  • Fulham (Minan) – February 3
  • West Ham United (Marti) – February 11
ADVERTISEMENT
Share407Tweet254
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Comments 1

  1. Abdi says:
    3 weeks ago

    Waxa ogucdaran arsenal iyo man u iyo man city ARSENAL HOGANKA WEY KA DEGEYSAA WAXA AY ADEYSA TOP 3/4

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.